Sunday, September 20, 2015

Kaliil oo sheegay inuu yahay Gudoomiyaha Gedo Axmed Madoobe iyo Ethopia Xilna igama qaadi karaan(Wareysi)


A/c
Salaan ka dib walaalayaal waxaan idiin soo direy Wareysigan oo aan u arkey inaad ka fahmi doontaan xaalada siyaasadeed ee ka taagan Gobolka,maadama maalmahan aanan is maqal.


Kaliil oo sheegay inuu yahay Gudoomiyaha Gedo Axmed Madoobe iyo Ethopia Xilna  igama qaadi karaan(Wareysi)

Maxamed Cabdi Kaliil oo ahaa Gudoomiyahii Gobolka Gedo ee DF,kana hor yamid xil ka qaadis bishii hore uu ku sameeyey Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu yahay Gudoomiyaha Gobolka Gedo,islamarkaana ayan xil ka qaadi karin Axmed Madoobe iyo Saraakiisha Ciidamada Ethopia ee ku sugan Gobolka Gedo.

Kaliil oo wareysi siiyey Warbaahinta ayaa soo dhaweeyey xubno Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo oo maalmo ka hor soo gaarey Garbahaarey si ay ugu qeyb qaataan muranka siyaasadeed ee ka taagan Gobolka ayaa sheegay in mas,uuliyiintaasi ay kulamo la qaateen qeybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan Garbahaarey.

Mar aan weydiinay Jeneral Farataag oo ku sugan Garbahaarey in ay is arkeen ayaa waxaa uu yiiri Isma arkeyno,waayo Farataag xilligii uu ahaa madaxweyen ku xigeenka waqtigeedii wuu dhamaadey,mana jirto sabab aan ku kulmi karno.