Sunday, August 24, 2008

Yaa ubaneeyay Al-shabaab in ay Weerar ku qaadaan Dad Muslimiin ah? Al-shabaab Waxaay Sheegteen Kismaayo in Islaamku Qabsaday, ma Gaalo ayaa awal joogt

Dedicated to the men, women and children who lost their lives; those brave people who gave their lives (Jubbaland State of Somalia) city of kismayo
(Merehan tribe)Defending City from al shabaab Terrorist Jihadist Islamists cowards”:
first time we used history of the plog
native language, Somali,
Marka hora waxaan Tacsi tiiraanyeleh udirayaa dhamaan beesha Sade iyo inta daysa xaquuda bila aadamka iyo xaquuqda Maxaaabiista marka labaad waxaan Ticsi udiraa Eheladii ay katageen Wiilashaash waxaana leeyahay intii dhimatayna Alaha unaxiista intiikana Samir iyo imaan Allha kasiiyo Eheladoodi .waxii kadhacay Magaalada kismaayo waaa wax ku abuuray naxdin iyo layaab iyo filanwaa Shacabka soomaaliyeed Dal iyo Dibadba waxuuna ucanbaaraynaayaa si aan kala harlahayn gaaar ahaan beesha Sade waxay leedahay Dhiiga wiilashaas ee daaahirka ah kuma tagaayo bilaash ama sahal.YAA lagu barta Falka noocaas ah ?Canbaaray kadib markii la'eega taariikhda ay jiraan Ururka Alshaab iyo falaka ay gaysteen mudadaas ayay dad ku waxay iswadiinaya Su'aalo dhowr ah oo ay mid yihiiin Alshaab yay u'adeegaan maxay tahay Caqiidadooda matakfiiriyiinbaa? su'aalahaas iyo kuwa kalaba ayay iswaydiinayaan dad badan oo ukuurgala falalka Ururka Alshaaab.
hadba intuu jiray Ururka Alshaab waxuu geysta Xasuuqyo aad ubadan oo uu kula kacay qayba kamid ah Buslshada Soomaaliyed oo ay ogu horeeyan Dad aan waxba galabsan (dad rayid ah ) iyo Dhlinyaro ay kuqabteen dagoolo (maxabiis) kuwaas oo dil kooda lagu fuliyay Duruufa aan ku haboonayn in qofka dil lagu fuliya Dadkana naxdin badan ku abuurtay Duruufahaas oo ayna ogalayn Diinta islaamka ee ay Alshaab u nisbasheeganayaan.
waxaa kamid ah tii kadhacday Gobalada dhexe iyo Dagaanka Dayniile halkaas oo ay ku gowraceen wiilal yaryar oo ay kuqabqabteen Dagaal (Diig qabow )iyo macana dara iyo qaab ay Culumada kusheegeen Diin laanDadki oo tii layaaban ayaa hadana imaada midaan hadaba Alshaab ma Takfiirbaa oo dadka dhan magaalo ayay uhaystaan? mise waa dhalinyaro aan aqoon macanaha dilka qofka Muslimka ah iyo Maxaabiista dagaalka iyo walibo Qawaaniinta Caalamiga ah?habba Ururka Alshaab waxay layimaaden waxyaba aanan lagu baran SAAXADA soomaliya asal iyo raadna aan ku lahayn Diinta Islaamka oo ayagu inta badan ay ku gabanayaan hadaba waxaa ladhihi karaa Alshaab waxay fulinayaa Ajanda Qarsoon oo ay ogu adeegayan Cadawga kusoo duulay Dalka Somaliya . maxaayeelay Cadowga Iyo Alshabab waxay isku si'u Gumaadan Umada Alshbaab waxy qabtaan way gowracaan cadawgana sidoo kala hadaba maxay kula duwan yihin ?
Yaa kadanbeeyay Xasuuqii kismaayo ?waxaa la orankaraa xasuuqaas waxaa gaystay laba qola. 1: Alshabaab: marka dib loo jaleeco falalka Ururka Alshabab ee ay kudheehan tahya Cadaawada ay uqaban shacabka waxaashaki la aan ah in ay falkas gaysteen xibna katirsan falkaan ayaa ahaa mid lasoo abaabulay ooy isku raacsanayeen nimanka sheegta Madaxta Al-shabaab. oo yagu uhorseeda Shabaabka Gumaadka shacabkooda ogona dhiga waxaan diinta asalku lahayn diin waxaa masuuliyada koobad qaaday Uruada lawareegay Magaalada kismaayo Alshab & Maxkmadaha.iyo dadka lasoo qaldaymarkii la'eega dhamaan waxyaabahaas waxaa ladhihi karaa falkaas waxaaka danbeeyay Al-shaab waxaana amarka bixiyay Hassan turki & Mansuur roobow oo ayagu ah niman kusifoobay sifada Takfiirka .2: kulug lahaansho qabiil waxaa meesha kamarnayn Gacan fulaynimo oo aydu u'aragta in ay guul utahay maxaa biis iyo dhaawac ladilo in ay Guul noqonaysa markii ay meeshaas dhaafin wayday una barbar dhigaan Awooda Beesha SAde kuwaas oo horay ogu dhuumanayay Magaalada kana faa'iidaystay galintaanka Alshabaab maadaama ay kufashilmeen awood kuqabsiga kismaaya ujoodadu ay thay khasaara gaarsiiya Beesa Sade fulinaaya amarada C/laahi yuusuf iyo Afguduud ragaas oo ay kufogaadatay Colaada Beesha Sade ..ayadoo saasthay ayaa masuu liyada koobaad waxay dusha kasaaran tahay labada nin ee kala ah Turki & mansuur .Shabka Somaaliyeed maxaa lagudboon?maxaa lala wadaagi karaan Ururka Alshabaab? kadib markay cadaatay in ay falinaaya Danah Cadawga ayna yihiin Takfiir oo ay banaysteen Dhiiga Dadka muslimiita ah.maxaa yeelay ma ahan marki ogu horaysay oo ay gaysteen Alshabaab Gumaad waxaana xusuusmudan Xasuuqii iyo gawricii ay kulakacen Alshaab dhalinyaridi kasoo jeeday Besha Ree xaaji saleebaan (Habargidir ) iyo kuwii ay kugowr gowraceen Dagmada Dayniile ee Gobolka Banaadir iyo wiilsha yar yar ee ay bostooladaha usoo dhiibaayaan ee ay leeyihiin Dadka soo laaya markaan eegnay Dhamaan Falalkas soo mahaboona in aan Dib ufiirano Ajandaha qarsoon ee Alshaab.sooma haboona in aan ogaana in ay Shacabka la JiahadaayaanMaxaa lagudboon Kuwaku abtirsada Beesha Sade ilama ahan marna in ay raali ka yihiin Gumadka iyo dhaawac tirka Wiilasha hadaba mala oarankaraa Awoodiina waxay kabadin wayda in'aad indhaha ka eegataan waxii halkas kadhacay .hadaba haday arintu saas tahay waxaan kula talin lahaaa dhamaan Dhalinyara Ku abtirsata Beesha Sade in ay joojiyaan wax laqaybsiga Ururka Takfiirka Alshaab .maxaa yeelay Alshab waa Danbiilayaal waxay danbi kagaleen Diinta Islaamka Umada soomaliyeed iyo Xuquuqda bila'aadamka hadaba nin ilaahay Danbi kaglay waxa kudaba dhigay waalayaab!!marka waxaan idinkugu baaqaya inaad kitaabka EEBE dib ogu labataan ood kala ogaatan Driiqa san iyo ka Sawaabka ah Beesha Sade maxaa lagudboon marlabad waxaaan Tacsi udiraa Ehaladii iyo dhaman beesha Sade waxaan umalayn dhibkasto oo dhaca waa wax xisaabsan waxuuna leyahay qaab loo waajaho marka waxaan kula talinaaya Besha Sade in ay samaysa Baaritaan waxaan filaayaa Dadbadan ayaa jooga meesha Xasuuqu kadhacay waaa in lasoo kala cadeeyaa haday kadanbeeyaan Alshab iyo haduu kadanbeeya qabiilba si loola xisabtama gacanku dhiigla yaasha waa in ay besha kuraadisaa xog qaaabkasta iyo wad aksta oo loo mari kara xaqiiqda waxii dhacay ..Mohamed Abdulkadir warsame warsameciya@hotmail.com

No comments:

Post a Comment