Tuesday, May 25, 2010

Shirqoolkii ay maganaayeen kooxda SDSI oo fashilmay Yaab nala arag.


 
SDSI-(GMN) Ururka siyaasigaa ee SDSI ayaa waxa uu si hoose u wadaa olole ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada ay wadaan xoogaga Dooloow, oo ay u arkaan in ay ka hor imaankaraan hanankooda faashilkaa ee ay dadka ku marin hababinayaan.
Horjoogayaasha SDSI oo xiliyadii u danbeeyay saxaafadu soo bandhigaysay waxtar xumadooda ayaa waxa ay iminka bilaabeen in ay qabtaan shirar hoose oo ay ku doonayaan in ay qilaaf iyo bur bur ku ridaan halgaamayaasha doonaya in ay dib ugu laabtaan dhulkooda, maadama uu ururka SDSI u shaqeeyo siyaasiyiin lid ku ah dhaq dhaqaaqa Dooloow iyo Calooshood u shaqaystayaal ka tirsan beesha Sade.
Qadad looga arinsanayay arimaha horumarinta Jubbooyinka oo maalmihihii u danbeeyay soconayay ayaa la xaqiijianayaa in ay xubno ka mid ah SDSI si hoose ugu soo xireen General Morgan, iyo Lataliyayaal Cadow ah oo doonaya in ay wiiqaan hananka horumarineed ee beesha Sade.
Morgan waxaa inta badan siyaasada la wadagaa qolooyin u istaagay raadinta wax aysan haabankarin, taas oo u muuqata xiligan mid waqtigeedii idlaaday.
Nimanka Madaxda ka ah SDSI ayaa waxa ay isku dayeen in ay bur buriyaan kulamo taageeraa oo loo samaynayay dhaq dhaqaaqa Dooloow, kaas oo ay ku hungoobeen, kadib markii aqoonyahan iyo siyaasiyiin ka xirfad badan ay shafka u dhigeen, ugu danbayna ku idlaaday Guul.
Dhaqaalo xoogan oo ay SDSI ka heshay hay’ado been loo sheegay ayaa la damacsanyahay in lagu taageero ururada iminka gacanta ku haya Gedo & Kismaayo, si loo soo bixyo qaar kamid ah ciidmada Dooloow, lakin arintan oo aysan ka shaqeeyn rag xeeldheerayaal ah ama aqoon u leh xeeladaha dagaalka & siyaasada ayaa isla markiba fashilmatay, waxana Ciidmada Dooloow lagu sameeyay baaritaan, halka cid walba oo soo gaarta lahubinayo ujeedka socdaalkooda.
Ugu danabayn SDSI oo ujeedada loo sameeyay ay tahay kala qoqobka Beesha Sade ayaa iminka Fashil xun soo wajahay, waxayna xiriiro la leeyiihin qaar kamid ah wasiirada DKMG ah ee ka so jeeda Beesha Sade kuwaas oo baaritaan iminka lagu wado islamarkaana saxaafada loo soo bandhigi doono hadii ay raali ka yihiin Musuq maasuqa SDSI.
 C/Salaan Xaaji Hassan
Gedoonlinenews@gmail.com

No comments:

Post a Comment