Saturday, May 15, 2010

SHIRWEYNIHII JAALIYADA SSC EE MELBOURNE, AUSTRALIA.+Sawiro

Shir balaadhan oo siweyn loo soo agaasimay ayna isugu yimaadeen jaaliyada SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn) ee ku nool magaalada Melbourne ee dalka Australia, ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 14/06/2010 ka dhacay magaalda Melbourne, shirkaasoo lagu lafoguray dhamaan xaaladaha guud ee deegaanka SSC iyo guud ahaanba soomaaliya, halkaas oo ay ka hadleen odayaasha, wax garadka, aqoonyahanada, culimaa’udiinka iyo qaybaha kale ee bulshadu, wada tashi dheer dabadeed waxaa ka soo baxay baaqyadan hoos ku qoran.

TAAGEERO:

Annagoo ah dhammaan jaalliyadda SSC (Sool Sanaag iyo Cayn) ee ku dhaqan Magaalada Melbourne, Australia, waxaannu si buuxda u taageersannahay hoggaanka midaynta iyo badbaadada SSC.Waxaannu ku taageeraynaa dadaalka ay ugu jiraan soo celinta deegaannada SSC ee maamulka Soomaali-diidku gardarrada kusoo galeen.

CAMBAARAYN:

Waxaanu si toos ah u cambaaraynaynaa maamulka Cabdiraxmaan Faroole faro-gelinta qaawan iyo hagardaamada cadaawadda leh ee uu ku hayo soo celinta deegaannada ka maqan SSC.

Sidoo kale waxaannu ku cambaaraynaynaa Faroole aflagaadadii uu u geystay isimmada iyo hogaanka beelaha SSC ee ku howlan soo celinta deegaannadooda maqan.

DIGNIIN:

Waxaanu digniin u diraynaa maamulka Soomali-diidka ah inay si degdeg ah oo  shuruud la’aan ah uga baxaan deegaannada SSC ee ay soo galeen. Sidoo kale waxaanu maamulka Soomali-diidka ah ku eedaynaynaa xasuuqii ay ka geysteen magaalada Buuhoodle iyagoo adeegsadey maleeshiyaad-beeleed loo soo geliyey shaadhka askarta Ethiopia.

MAHADNAQ:

Waxaanu u mahadnaqaynaa beelaha Caabudwaaq iyo Galmudug taageeradii ay u muujiyeen shacabka SSC, waxaanu sidoo kale ugu mahadnaqaynaa beelaha deggan gobolada Mudug, Bari iyo Nugaal sida ay u taageersanyihiin halganka SSC.

Wabilaahi Towfiiq

No comments:

Post a Comment