Wednesday, May 19, 2010

Sifooyinka Faroole la wadaago Soomaali-diidka iyo qaar uu dheeryahay

Written by Axmed Tabaatiig   
Friday, 18 June 2010 21:02
TF.SF-Cabdullaahi Xasan Maxamuud {Cabdullaahi Spanish} Guddoomiye ku Xigeenka Ururka NSUM ee u halgama xoreynta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn {SSC} iyo midnimada Soomaaliya ayaa maalin dhoweyd mareegaha internetka Soomaaliyeed ku qoray maqaal uu ku magacaabay " Sifooyinka u Gaarka ah Soomaali-diidka {SNM}". Waxa aqoonyahanku si cilmiyeysan u muujiyey sifooyinka Soomaali-diidka SNM la wadaagaan: 1- Israil, 2- Eyga, 3-Shimbirta Ugubi, iyo 4- Dadka aan Xorta ahayn. Qofka maqaalka akhriyaa wuxuu arkayaa in afartaas sifoba si buuxda u saameeyaan SNMta Hargeysa ka talisa ee aqoonyhan Cabdullaahi maqaalkiisa ku koobay. Ujeedada maqaalkani waxay hadaba ku saabsantahay sida Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynaha ex-Puntland, SNMta Hargeysa ula wadaago sifooyinka kor ku tilmaaman iyo weliba sifooyin kale oo uu dheeryahay Soomaali-diidka.


Ugu horeyn waxa cadayn mudan oraahda ah "ex-Puntland". Ma ihi qofkii ugu horeeyey ee oraahdan isticmaala ee beryahanba oraahdu mareegaha internetka way ka muuqatay waxana isticmaalkeeda u sabab ah Faroole. Waxa Faroole SNMta Hargeysa uga tanaasulay gobolada SSC isagoo diiday inuu qowlaysatada xooga ku haysata ka xoreeyo maadama ay yihiin gobolo Puntland ka mid ah isla markaasna diidan in dadkii goboladaas u dhashay is-xoreeyaan oo goboladaas Puntland u soo ceshaan. Waxa dhaqankaas Faroole cadaynayaa inuu aaminsanyahay inaan sadexda gobol ee SSC Puntland ka tirsanayn kana maqneyn isla markaasna aanu madaxweyne u ahayn SSC. Sidaas awgeed waxa dhaqankaas Faroole cadaynayaa inuu aaminsanyahay inuu madaxweyne u yahay oo keliya gobolda Nugaal iyo Bari iyo Karkaar iyo qayb ka mid ah Mudug intaasuna keligood ma noqon karaan Puntland. Waxa markaas halkaas uu ku cadeeyey inaan wax Puntland la yiraahdaa jirin. Sidas awgeed ayaa hadda loogu magacaaba "Madaxweynaha ex-Puntland".

Hadaynu intaas kaga gudubno waxa keenay oraahda "ex-Puntland", bal aynu guda galno sifooyinka aynu hore u tilmaanay. Dib ugu noqon maayo sifooyinka SNMta ee Dr.Cabdullahi ka hadlay waayo akhristuhu wuxuu ka heli karaa internetka. Anigu waxaan ka akhriyay mareegta www.lasanod.com. Qofka akhriyaana wuxuu arkayaa in sifooyinkaasi ku cadyihiin Faroole. Sida SNMta oo kale waxa Faroole u dhaqma sida Yuhuuda oo Ilaahay ku sheegay Quraanka siday wacadka uga baxaan iyo sida ay beenta iyo khiyaamada ugu dhaqmaan iyo sida ay u yihiin dad liita oo Ilaahay lac'naday. Tabta Soomali-diidka waxa Faroole u dhaqmq sida eyga oo waa innaga argnay sida uu Dawladda Ethiopia dhulka isugu dhigo oo xabiib uga dhigto iyadoo ah cadawgii kowaad ee Ummaadda Soomaaliyeed. Sida SNMta wuxuu Faroole u dhaqmaa sida Shimbirta la yiraahdo "Ugubi". Shimbirtaasi intay ukunteeda leqdo ayay inkirtaa oo tiraahda waxba ma dhalin ee waxaan ahay ugub. Sida Soomaali-diidka waxa Faroole shaabahaa dadka la adoonsado. Labaduba waa kuwa adoonta u ah maamulka Addis Ababa. Inay labaduba sinji xunyihiin waa kuwa dad Soomaaliyeed u dhiiba Ethiopia.

Isagoo Faroole intaas oo sinji xumo iyo dhaqan xumo ah la wadaaga Soomaali-diidka {ogow isaguba waa Soomali-diid oo waa ka calan gooni ah samaystay}wuxuu isla markaas SNMta deeryahay dhaqamada soo socda:

1- Meel wuxuu uga egyahay caruurta: Hore ayaa loo yiri caruurtu hooyadood ma waxaysato lagamana waxaysan karo. Sida la ogyahay Laascaanood iyo gobolka Sool inta SNMtu haysato waxa laga qabsaday maamulka Puntland {waa intaanu ex-Puntland noqon}. Waxa markaas cid walbi fili kartaa in maamulka Puntland ay waajib ku tahay inuu soo cesho goboldaas laga qasaday. Faroole taas ma yeelin markii inuu soo cesho laga quustayna dadkii goboldaas u dhashay ayaa go'aansaday inay soo ceshadaan oo weliba Puntland u soo celiyaan. Faroole arrintaas waa diiday wuxuuna halgamayaashii SSC ku sheegay argagixiso sida SNMtu ugu sheegtay argagixiso. Waxa hadaladiisii ka mid ahaa "Somaliland dhulkayaga lagaga duuli maayo." Waa kee dhulka uu sheeganayaa ee "Somaliland" laga duulayaa? Waxa taladiisii noqotay "dhulka xorayn maayo in la xoreeyana ma ogoli. Halkaas miyaanu Faroole caruurta uga ekayn?

2- Meel wuxuu uga egyahay Atoorka: Iyadoo itaalkiisa la arko ayaa sida Soomaalidu ka soo werisay waxa atoorku yiraahdaa marka ceelka la isugu yimaado:"Itaalna waa iga kaa aad aragtaan ceelkana cidi ka cabi mayso". Isagoo Faroole og itaalkiisa ciidan ayuu u hanqal taagay inuu reer SSC iska hortaago inay degaankooda xoreystaan isagoo raba inuu badbaadiyo qabsoomida doorasha ku sheega Soomaali-diidka uu marar badan ku sheegay inay yihiin "walaalihii".

3- Meel wuxuu uga egyahay jirida: In kastoo la yiri jaamicad ayuu ka soo baxay muddu dheerna maamulka qaranka ayuu meel kaga jiray hadana qofka u fiirsada habka uu Faroole u dhaqmo wuxuu arkayaa inaanu waxba ka duwanayn habka jiridu u dhaqanto. Beri dhoweyd oo uu isku shaandheeyey golihiisa wasiirada ayuu wuxuu tegay wasaarad uu wasiirkeedii maalin ka hor jagadii ka qaaday oo wasiir kale ku bedelay. markii loo sheegay inaanu wasiirkii casilay joogin, ballanta xilwareejintuna tahay "berito" ayuu shaqaalihii wasaaradda ku amaray inay wasiirkii uu casilay telefoon u diraan si uu u yimaado wasaaradda. Markay waydiiyeen inay wasiirkii lagu bedelayna telefoon u diraan wuxuu ku jawaabay: "Maya. Anigaa ayaa xilka kala wareegaya wasiirkii hore". Bal xagii lagu arkay madaxweyne isagu xilka kala wareega wasiir iyadoo xilkaas wasiir kale u magacaabanyahay? Waa kaa cilmiga iyo caqliga Faroole. Miyaanu kaasu ahayn caqli iyo cilmi jiri?

4- Meel wuxuu uga egyahay Munaafaqa: Sida Nebigeenu Naxariis iyo Nabad Eebe korkiisa ha ahaatee inoo sheegay, astaamaha lagu garto munaafaqu waa afar. Kuwaas oo ah:

b- Haduu hadlo been ayuu sheegaa.
t- Hadii wax lagu aamino, wuu khiyaameeyaa cidii aamintay oo amaanadii loo dhiibtay ayuu ku takri falaa.
j- Balanka uu galo waa ka baxaa.
x- Hadii ay cid is-qabtaan ama ra'yi isku khilaafaan colaad foolxun oo xad gudub ah ayuu u qaada cidda ay is-khilaafeen.

Hadaad u fiirsato habka Faroole u dhaqmo waxa kuu soo baxaya inuu leeyahay dhammaan astaamaha munaafaqa. Mar uu hadlo oo aanu dhowr beenood sheegini ma jirto.Markii madaxweynaha loo doortay wuxuu ku dhaartay inuu sugo midnimada iyo nabadgelyada Puntland hadana waa kaa khiyaameeyay oo cadowga dalka kala jaraya faraha uga qaaday gobolada SSC. Amaanadiina waa khiyaameeyay ballankii uu la galay Ilaahay iyo Ummadda Puntland oo Quraanka Kariimka gacanta u saarayna waa kaa ka baxay. Colaad xumidiisa waxaad ka arki kartaa sida uu ula dhaqmayo reer SSC iyo halgankooda ay ku badbaadinayaan midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Gunaanad:
Reer SSC ka tashade Faroole iyo maamulkiisa fadhiidka ah ee isu dhiibay inta Diinta Islaamka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed cadawga u ah. Waxa talo ku hadhay dadka gobolada Nugaal iyo Bari iyo Karkaar iyo Mudug oo ah inta ka soo hartay Dawlad Goboleedkii Puntland intaan Faroole ka dhigin "ex-Puntland".

Isagoo ka hadlaya wax ma garato Faroole oo kale ah waxa waa hore abwaan Soomaaliyeed yiri:
"Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho,
Masalaha ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo".

Axmed Tabaatiig
ahmedtabaatiig@yahoo.com

No comments:

Post a Comment