Saturday, May 8, 2010

GUDDIGA DAWLAD GOBALEEDKA BARTAMAHA SOOMAALYA OO KALFADHIGOODII UGU HOREEYAY YEESHAY


Waxaa maalintii Axadda ahayd 6-da bishaan juun 2010ka  magaalada Leicester ka dhacay kalfadhigii ugu horeeyay oo ay yeesheen gudiga qabanqaabada Dawlad goboleedka bartamaha Soomaaliya.

 

Kalfadhigaan oo ahaa mid si heer-sare ah loo soo abaabuley ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan gudiga qabanqaabada  dawlad gobaleedka bartamaha soomaaliya.

 

Waxaana ugu horeyntiiba halkaa ka hadlay Guddoomiya Guddiga qabanqaabada Dawlad goboleedka Bartamaha Soomaaliya:- Maxamed Xaashi Cabdi ( Carabeey), Isla markaana isagu Shirguddoominayay Kalfadhigaas.

 

Wuxuu guddoomiye Maxamed Xaashi mahadnaq usoo jeediyay Dhamaan dhamaan xubnihii ka qayb galay kalfadhigaas isagoo ku booriyay inay la yimaadaan wax qabad dhab ah.

Run ahaantii waxaa waxaa na hor taallo hawl aad u adag oo u baahan in la isagu geeyo Muruq, Maal, iyo Maskaxba, sidaa awgeed ayaa loo baahan yahay in qof walba uu kaalintiisa xil adag iska saaro oo ka soo dhalaalo ayuu Maxamed Xaashi halkaas ka yiri.

Ugu dambeyna waxaa gudoomiye maxamed Xaashi uu halkaas ku soo bandhigay qodobbo u baahan in laga doodo iyo qaar kale oo iyagana u baahan in la dhameystiro, Waxaana qodabada uu guddoomiyuhu soo bandhigay kamid ahaa kuwaan:-

1). In la dhameystiro guddigii 57 xubnood ahaa ee horey qaar kamid ah  loo magacaabay inta ka dhimanna la magacaabo.

2). Sidii Dhaqaale loogu abuuri lahaa dawladgobaleedka bartamaha soomaaliya.

3). Sidii Xafiisyo loogu sameyn lahaa gudiga iyo hawlwadeenada dawlad goboleedka.

 Waxaa sidoo kale isna halkaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka gudiga qabanqaabada dawlad goboleedka Maxamed Xayir, kaasoo isagana halkaas ka soo jeediyay talooyin iyo figrado wax gal ah.

Aamina Cali Maxamed (Carkoow) oo kamid ahayd guddigii ka qayb galay kalfadhigaas ayaa iyana soo bandhigtay figrado macquul ah.

Waxaana Aamino ay soo jeedisay in la sameeyo wacyi gelin fara badan si dad fara badan oo aan ogeyn looga dhaadhiciyo ujeedada dawlad gobaleedkaan loo aasaasay.

Waxaa kale oo halkaa ka hadley Maxamed Cumar Cilmi ( Dhegaweyne) waxaana uu dhamaan ergada kalfadhigaas ku baraarujiyay in ay la yimaadaan karti iyo wax qabad dhab ah.

Geba-gabadii kalfadhigaas ayaa waxaa kasoo baxay natiijooyin wax ku ool ah oo dhamaantood waxtar u leh dawlad goboleedka bartamaha soomaaliya.

Ma,aha wax qoraal lagu soo wada  koobi karo dhamaan ergaddii halkaas figradahooda ku soo bandhigay, waxaanse ka xusi karaa:-

1). Cabduhaab Sh. Maxamed Xaaji.

2). Cabdulaahi Yuusuf Xasan ( Alankey).

3). Col: Axmed Warsame Cabdulle ( Biixi)

4) Cali Jaamac Xuseen ( Calidheere).

5). Cabdulaahi Aadan Nuurre ( Xuubeey).

6). Keyf Aadan Cilmi.

7). Ismaaciil Cali Naasir.

8). Shiine Baluugle.

9).Ibraahim Aadan Xaaji.

10). Cabdi Ciise Cabdi ( Cabdi-gahayr).

11).Khadiija Cabdi Xasan ( Afrika).

12). Guuleed Cakood Jiijiile.

13).Farxiyo Xaaji Dabcasar

 

Daahir Faarax Afdheere.

Email: gulan1969@yahoo.co.uk

Birmingham, United Kingdom

No comments:

Post a Comment