Thursday, July 1, 2010

July 1, 2010. celebrate for the Independence Day of Somalia, Somali Community Oslo, Norway


Soomaalida ku dhaqan dalka Norway, gaar ahaan caasimadda Oslo ayaa maalinkii shalay si weyn ugu dabaal-dagay munaasabadda 1-Luulyo, iyadoona ay xafladaasi oo ka dhacday xaafadda Grønland kasoo qeyb galeen boqolaal Soomaali ah.

Munaasabadan oo aheyd konton (50) guuradii kasoo wareegatay maalintii ay xornimadu qaadatay Soomaaliya ayaa hadana waxaa sanad walba Soomaalida ku dhaqan Norway ay xusaan maalintan.

DAAWO FILMKA



Soomaalidii isugu timid goobta ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqday farxad ku aadan maalintan, waxaana inta badan dadki ay xambaarsanaayeen Calanka Soomaaliya oo ay qaab walba u xirnaayeen.

Dadweynihii ay shabakadda Calanka kula kulantay goobta ayaa waxaa ay dhamaan u wada duceynayeen dalkooda, iyagoo Alle ka baryayay in uu nabad iyo kala dambeyn kusoo celiyo.

Sawirada/Filmka
Deeq C/laahi


Somali Community Oslo, Norway 

Jul 1, 2010   the 50th anniversary of the Somali Independence Day celebrations,
also

City of Minneapolis Minnesota USA

City of Garowe of  Puntland state somalia

Nairobi Kenya

No comments:

Post a Comment