Friday, October 15, 2010

Qaar ka Mid ah Musharixiintii Xilka Wasiirka 1-aad oo Maanta u Hambalyeeyey Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya

Mogadishu, Somalia, October, 15, 2010 (TF.SF) - Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed ayaa maalintii koowaad ee tan iyo intii xilkaas loo magacaabay bilaabay kulamo uu kula yeelanayo xafiiskiisa masuuliyiinta qaranka, xildhibaanada iyo qaar ka mid ahaa musharixiintii kula tartamay jagada Wasiirka 1-aad oo uu ku guulaystey Ra'iisul Wasaaraha cusubi. Dhammaan masuuliyiintaasi waxa ay Wasiirka 1-aad ugu hambalyeynayeen xilka culus ee loo magacaabay iyaga oo dhanka kale u ballan qaadayey taageero buuxda.Musharixiintii uu saaka la kulmay Ra'iisul Wasaaraha waxaa ka mid ahaa Xuseen Khalif Jama iyo G/Sare C/qaadir Sheekh Ali-Diini oo labaduba ahaa safka hore ee dadkii u tartamayey xilka uu nasiibka u helay Md. Maxamed.Labada musharax waxa ay R/Wasaaraha u rajeeyeen guul isaga oo dhankiisa u sheegay in aan looga maarmi doonin samatabixinta Soomaaliya kaalintii doonaan ha ka galeene.Dhanka kale, R/Wasaaraha cusub Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed ayaa salaaddii jimcaha kula tukadey Masjidul Shuhadaa Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed, RaĆ­isul Wasaarihii ku Meel gaarka Cabdiwaxid Cilmi Cumar Wasiirro, xildhibaanno iyo shacab badan.

Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed ayaa maalintii koowaadba bilaabay kulamo uu kula yeelanayo xafiiskiisa Masuuliyiinta qaranka, xildhibaanada iyo qaar ka mid ahaa musharixiintii u sharaxnaa jagada Wasiirka 1-aad oo uu ku guulaystey Ra'iisul Wasaaraha cusub.
Dhammaan masuuliyiintaas waxa ay Wasiirka 1-aad ugu hambalyeynayeen xilka culus ee loo magacaabay iyaga oo dhanka kale u ballan waadayey taageero buuxda.
Musharixiintii uu saaka la kulmay Ra'iisul Wasaaraha waxaa ka mid ahaa Xuseen Khalif Jama iyo G/Sare C/qaadir Sheekh Ali-Diini oo labaduba ahaa safka hore ee dadkii u tartamayey xilka uu nasiibka u helay


Labada mushrax waxa ay R/Wasaaraha u rajeeyeen guul isaga oo dhankiisa u sheegay in aan looga maarmi doonin samatabixinta Soomaaliya kaalintii doonaan ha ka galeene.
Dhanka kale, R/Wasaaraha cusub Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed ayaa salaaddii jimcaha kula tukadey Masjidul Shuhadaa Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed, Ra?isul Wasaarihii ku Meel gaarka Cabdiwaxid Cilmi Cumar Wasiirro, xildhibaanno iyo shacab badan.


Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya
Related Stores

Former western New Yorker now Somali Prime Minister
New Somali Prime Minister's "Experience" Praised by Analyst
Somali American in charge of building up Somalia. Somali-American Is Named Prime Minister of Somalia

UB graduate nominated as prime minister of Somalia

No comments:

Post a Comment