Saturday, October 16, 2010

Somalia: Leaders of S.H.WB welcome the appointment of the new Prime Minister H.E. Mohamed A. Mohamed. Dadka Mudisho oo soo dhaweeyay dhageysiga laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.Faroole welcomes and praises new PM

Somalia’s current political situation paints a grim picture. Being ranked No. 1 from the bottom of Transparency International corruption index, Somalia is further hampered by subterranean currents of national disintegration.Commercial high-seas Piracy, Islamic Terrorism, the absence of a common national currency and the resultant hyperinflation of a various number of money-printing enterprises, chronic poverty and the resultant deforestation and the recruitment of children as soldiers, clash of political personalities within the TFG and the TFP and last but not least the unreasonable demands of the clannish, secessionist-inspired political entities up north, all point to the need of a unified Somali leadership.Somalia’s leaders from the regions of SANAAG, HAYLAN and W. BARI, congratulate the new head of Government and urge all parties, entities, constituencies and religious leaders to set aside their petty differences and work with the Head of State, H.E. Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, and the Head of Government, H.E. Mohamed A. Mohamed.“By all account, we all share the responsibility of the deteriorating political situation,” said prominent legislator, Asha Ahmed Abdalla in her latest interview with BBC/Somali on the appointment of the new Prime Minister.However, given the security concern of the international community and their charitable humanitarian assistance, the new premier must approach the war-wearied Somali people with a strong national vision that transcends regionalism and tribalism.He must also come up with a realistic government programs or policies in addition to a tangible commitment to strengthen Somali Unity and to ameliorate and co-opt the warring parties in order to consolidate the transitional Government while reaching out to the root causes of our internal issues.Source: Dhahar/SPR Ahmed Omar aomar13@gmail.com
Dhageysi:  Taariikh noololeedka Ra’isal Wasaaraha cusub ee Soomaaliyeed Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” halkaan ka dhageyso. MP3 
Dadka Mudisho oo soo dhaweeyay dhageysiga laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.
Muqdisho: (TF.SF) Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhageysiga Idaacada BBC-da kadib markii Shabakadda Warbaahinta Shabelle ay bilowday inay ka baahiso Magaalada Muqdisho.


Kadib markii 15-kii bishaan August ay Idaacada Shabelle bilowday sii deynta Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho kuwaasi oo in mudo aan dhageysan wararka iyo Barnaamijyada Idaacada BBC-da
Qaar ka mid ah dadka Muqdisho oo warbaahinta Shabelle makaroofanka ay la dhex qaatay ayaa waxaa ay sheegeen in iminka ay ku faraxsanyihiin in laanta afka Somaliga ee BBC-da ay ka dhageystaan Shabakadda Warbaahinta Shabelle kadib markii mudo 4 bil ah ay waayeen Meel ay ka dhageystaan.
Cali Cabdule Cusmaan oo 70 jir ah islamarkaana Shabelle ay kula kulantay goob yar oo uu ganacsi kula lahaa oo kutaala degmada Waaberi ee gobolka Banaadir xili uu saakay u diyaar garoobayay Dhageysiga BBC-da ayaa sheegay in Idaacada BBC-da uu ku tixnaa 30-kii sano ee la soo dhaafay hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in 4-tii bilood ee ugu dambeysay uu waayay meel uu si toos ah uga dhageysto FM-ka Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in uu si aad ah ugu farxay Markii uu Wararka iyo Barnaamijyada BBC-da uu ka maqlay Shabakadda Warbaahinta Shabelle.
Sidoo kale Safiyo Max’ed Rooble oo iyana ka mid ah dadka ku ganacsada gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo Shabelle qadka taleefaanka ugu warantay ayaa Sheegtay in ay baahi weyn u qabeen dhageysiga Laanka Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaana ay tilmaamatay in maskaxdeeda ay la qabsatay dhageystiga Barnaamijyada iyo Wararka Idaacada BBC-da.
Degmooyinka Waaberi, X/weyne X/jajab, Dharkeenlay, Wadajir iyo Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo ah meelaha ugu bulshada Badan ee Magaalada ayaa markii aad ku dhex socoto xiliyada ay ku jirto laanta Afka Soomaaliga ee BBC Waxaad ku arkeysa meelo dadku ay isugu yimaadeen iyagoo Shabelle ka dhageysanaya Barnaamijyada iyo Wararka Idaacada BBC-da halka kuwa kalana Wadooyinka ay ku dhageysanayaan BBC-da iyagoo gacma ku watta Taleefanada gacanbta lagu qaato iyo Raadiyaal yaryar.
Sidoo kale waxaan meesha ka marneyn deegaanada duleeeyada Magaalada Muqdisho oo ah goobaha ay u barakaceen inta badan dadkii isaga cararay dagaalada Magaalada Muqdisho kuwaasi oo iyana BBC-da kala jaanqaadaya Shabakadda Warbaahinta Shabelle, waxaana goobaha dadka ay isugu yimaadaan ka shidan Sameecado waaweyn oo dadku ay si nadiif ah uga dhageysanayaan Laanka afka Soomaaliga ee BBC-da.
Hooyo Ceeblo Sheekh Max’uud oo Shabelle kula hadlaysay Taleefanka gacanta xili ay BBC-da ku dhageysanaysay guri ay u barakacday oo Cooshad iyo Baakado ka sameysan oo kuyaala duleedka Magaalada Muqdisho ayaa Shabelle si weyn ugu mahad celisay siideynta Baranaamijyada BBC-da, waxaana xiligaasi ay dhageysaneysay Barnaamijka BBC-da ee Caawa iyo Caalamka.

Maraka laga soo tago goobaha dadku ay isugu yimaadaan ee laga dhageysto BBC-da ayaa hadana dadku waxaa ay ka dhageystaan Idaacada BBC-da gawaarida ay saaranyihiin ee BL-ka iyo kuwa raaxada, waxaana dadka saaran gaadiidka BL-ka ay ka codsadaan darwalada gaadiidka Waqtiyada la gaaro dhageysiga BBC-da in uu saaro Muujada Shabelle ee 101.5 si ay BBC-da uga dhageystaan.

Aqriso oo la soco terror free somalia Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.NALA SOO XARIIR  terrorfreesomalia@gmail.com

No comments:

Post a Comment