Thursday, October 21, 2010

Yuu Yahay Mr John Peter Pham, Muxuuse aaminsan yahay (Maqaal Xiiso badan)

Ninka lagu magacaabo Mr John Peter  Pham oo isku sheega inuu yahay cilmiyahan ku takhasusay  siyaasadaha Afrika iyo bariga dhexe ayaa wuxuu beryahanba aad ugu ololayn jiray in wadanka la yidhaahdo Soomaaliya la googooyo oo laga dhigo ilaa shan ama todoba maxmiyadood oo ay gumaysato wadanka Itoobiya.'


Howshiisna wuxuu ka bilaabay buunbuuninta Jamuuriyada isku magacoowda Soomaliland dadka Soomaaliduse u yaqaanaan waqooyiga Soomaliya. Ninkaas ayaa wuxuu hore ugu qoray maqaalo badan oo ku saabsan sidii gobolkaas looga goyn lahaa Soomaliya si saldhigyo halkaas uga samaysato wadamadda Yuhuuda iyo Maraykanku si ay u kulaalaan gacanka bada cas iyo badweynta Hindiya.
Tani waa suurada saxda ah ee Mr J P  Pham oo gashan diraysiikii saxda ahaa I998kii isagoo gashan dharkii Baaderinimada  intii uusan qaadan kan hada uu ula soo shir tago ee (Suit and bow tie)  eeg labada sawir ee hoose



10th October 1998
10th October 1998



10th October 2010 (Hiiraan Online)
10th October 2010 (Hiiraan Online)


Source: http://www.phillysoc.org/pham.htm ka fiiri halkan Mr Pham oo ku lebisan deriskii saxda ahaa
Hadaba Muxuu aaminsan yahay Mr Pham?
Maqaal kooban laguma dhamayn karo waxyaabaha uu aaminsan yahay ninkani  waxaynuse ka soo qaadan karnaa waxyaabahan aan ka soo guuriyay maqaalo badan oo uu qoray uuna ka mid yahay
http://lighthousepatriotjournal.wordpress.com/2007/01/22/understanding-the-middle-east-part-one/#more-958
Maqaalkan wuxuu ku sheegayaa in diinta Islaamku tahay diin cadaawadeed wuxuuna xusayaa in
1-Yahuudu xaq u leedahay dhulka falastiin
2-In caalamku khartar ugu jiro dad uu ugu yeedhay seef labood ama Muslimiin
Waxaayabaha kale ee uu qoro waxaa ka mid ah ee uusan la gaban in la qayqaybiyo wadanka Suudaan si Kirishtiyaanka Suudaan loo siiyo awood ay isaga dhiciyaan Muslimiinta waqooyiga haysta. Wuxuu kaloo si aad ah wax uga qoraa wadanka Nayjeeriya oo uu weeraro Muslimiinta una hiiliyo masiixiyiinta.
Soomaliya iyo Ra’iisul wasaare Farmaajo
Subbaxii la magacaabay Raiisulwasaaraha sugaya weli kalsoonida baarlamaanka ayaa Mr Pham ku soo daabacay maqaal joornaal uu wax ka qoro oo ay leeyihiin Kirishtiyaanka taageera Yuhuuda lana yidhaahdo World defense review maqaal uu uga dhigay “Raiisulwasaraha cusubi maaha wixii dhakhtarku amaray” micnaheedu waa ninkani maaha nin ku haboon booska loo magacbaay!
http://www.hiiraan.com/op2/2010/oct/somalia_s_new_prime_minister_not_quite_what_the_doctor_ordered.aspx
Wuxuu uga dhigay baaderigu dhowr sababood oo ay ugu horayso wax aan wa ka soo qaad lahayn oo ah in uu
1-Inuu Ka soo jeedo qabiilka Daarood uuna reer hoose la yahay Madaxweynihii hore ee Soomaliya Maxamed Siyaad Bare (AHUN)
2-Inuu shaqadii ugu horaysay ee karaaninimada ku helay musuq maasuq
3-In buugii uu qoray 2009kii eek u dhameeyay taqasuskiisa jaamacad sare ee New York uu ku xusay in qabiilada qaar aysan lahayn dareen wacan oo ay dagaalka ku joojiyaan sida kuwa Koonfurta hoose dega.
4-Wuxuu kaloo ku weeraray inuusan buugiisa ku xusin dhibaatadii loo gaystay reerka Isaaqa la yidhaahdo.
Intaas kor ku xusan oo dhami waa uun isku dir Soomaaliyeed ayna Soomaalidu ku hayso fadhi ku dirirka magaalo walba oo Soomaaliyeed oo aad tagto iyo wadan walba oo caalamka ah mana aha wax cuqdad ku kala abuura Soomaalida maanta oo ka gudubtay yaan reerkayga wax laga sheegin.
Sheekadu intaa ka weyn ee waxaa ku jira Islaam iyo Soomaali nacayb
Wuxuu Maqaalkiisa ku sheegayaa in Farmaajo ku sheegay madaxweynahii hore ee Maraykanka mid xad gudbay uuse yahay ninka Farmaajo nin u xagliya siyaasada bidixda ah ee guracan .wuxuu kaloo ku weeraray inuu Farmaajo uu wax kaga sheegay buugiisa Mr Males Sanaawi iyo Itoobiya iyadoo Kenya iyo itoobiya ay dano waaweyn klaga xidhan yihiin Soomaliya taasina aysan soo dhawaynayn in Itoobiya raali ka noqoto ninkan cusub.
Markaad isku soo wada duubto ama aad dib u qaado raadadka Mr Pham waxaad ogaynaysaa inuu yahay Kirishtiyaan Indho yar ah oo xag jira ama Mutadarif ah uusana arki Karin qof Somaalinimo ku jirto ama qiiro wadaniyeed oo ku dhisan Soomaalinimo, Islaamnimo iyo walaaltinimo. Waxaadna iswaydiisaa hadaad akhrido maqaaladiisa faraha badan oo aad ka helay World Defence Journal muxuu Mr Pham ugu ooyayaa Yuhuuda iyo Masiixiyiinta caalamka kale uuna u doonayaa inuu is nacsiiyo dad Soomaali isku ah, Islaam ah kuligoodna wadaaga dhiig iyo dhalashba uuse ka adeegay Shaydaan Mr Pam oo kale ah “Bal Adba”
Baaderiga Mr Pham iyo Siilaanyo 14-01-2010 USA (waxaayaabaha laga wada hadaly waxaa ka mid ahaa inuu baaderigu ka dhaadhicyo ururada masiixyiinta ah ee USA aqoonsiga Somaliland)

Baaderigu muxuu sheegtaa hadda inuu yahay?
Dr. Pham has authored, edited, or translated over a dozen books and is the author of over three hundred essays and reviews on a wide variety of subjects in scholarly and opinion journals on both sides of the Atlantic. In addition to the study of terrorism and political violence, his research interests lie at the intersection of international relations, international law, political theory, and ethics, with particular concentrations on the implications for United States foreign policy and African states as well as religion and global politics.
Dr. Pham has testified before the U.S. Congress on numerous occasions and conducted briefings or consulted for the U.S. and foreign governments as well as private firms. He has appeared in various media outlets, including CBS, PBS, CBC, SABC, VOA, CNN, the Fox News Channel, MSNBC, National Public Radio, the BBC, Radio France Internationale, the Associated Press, Reuters, The Wall Street Journal, The New York Times, The Washington Post, The Washington Times, USA Today, Le Monde, National Journal, Newsweek, The Weekly Standard, New Statesman, and Maclean’s, among others
Waxaas uu sheegtay wax yar baa ka run ah aan ka ahayn inuu u shaqooyo ururada xag jira ee Masiixiyada ku xeel dheer.
Muxuuse qarasadaa inuu yahay?
John-Peter Pham, a Roman Catholic priest of the Diocese of Peoria, Illinois, is a fellow of the Acton Institute for the Study of Religion and Liberty. He is the editor of upcoming volume, “Centesimus Annus”: Assessment and Perspectives for the Future of Catholic Social Doctrine, and served as the co-moderator of the International Congress on Social Doctrine in Rome (1997), sponsored by the Acton Institute and the Pontifical Athenaeum “Regina Apostolorum”. He holds advanced ecclesiastical degrees in theology and canon law in addition to his prior studies in economics at the University of Chicago, where he wrote his thesis on The Declining Labor Force Participation of Older Americans since 1970 under the direction of Dr. D. Gale Johnson and for which he was awarded the Donnelly Prize for 1990.

Ugu danbayn waxaa loo baahan yahay umadda Soomaalidu inay ka taxadarto dadka shisheeyaha ah ee ka dhex faaiidaysanaya aana u hayn wax kalgacayl iyo jecayl aan ka ahayn isku dir dhexdooda ah si ay u gurtaan kheyraadka Soomaaliyeed inana u ahaano weligeen yey isku mashquulsan oo mdikeen uusan eegi Karin ka kale.
Ibnu Cali
Ibnuali2030@hotmail.co.uk
London