Sunday, November 21, 2010

MAQAAL: Dilalka siyaasadaysani waa ‘Faroole ma dhaafto’:Gunmen kill well-known elder in Bosaso town


Tan iyo intii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole talada Puntland la wareegay, waxa bilowday dilal qorshaysan oo lagula kacayo siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoon yahannada, iyo culuma awdiinka, dilalkan oo badiyaa dhaca kolka Madaxweyne Faroole socdaal debedda ugu kaco. Waa yaabe maxaa isku beega had iyo jeer socdaalka madaxweynaha iyo dilalka siyaasadaysan ee ka dhaca Puntland. Hadalkiisa tacsida ee Faroole u diray qoyska reer Suldaan Ciise, wuxu ahaa mid shaki weyni ku jiro. Madaxweyne Faroole waxaa lagu xagliyaa inuu yahay guddoomiyaha budhcad badeedda iyo tahriibinta ee Puntland. Beesha caalamka ayaa weliba hadalkan ku kaarran iyagoo si waaddixa u sheega in Faroole yahay in ah ‘budhcad badeed.”
Sababaha dadka loo laynayo waxgalka ka ah bulshada dhexdeeda dhawr arrimood ayaa loo aanayn karaa.
1. Faroole iyo kooxdiisa Aaran Jaan oo raba inay Puntland ka dhigaan meel diinlaawayaal ka taliyaan, isla markaana ay bulshada dooriyaan dhaqankooda iyo anshaxoodaba. Tusaale, magaalada Garoowe ee caasimadda u ah Puntland, markii Faroole xukunka qabtay, guryaha waxa qiimohoodu u dhexeeyey 5000 ilaa 10,000 oo doollar, hase ahaatee maanta guryuhu marayaan Garoowe 50,000 ilaa 120,000 oo doollar. Waxa isbeddelay dhaqankii magaalada, iyadoo budhacad badeeddu iyo kooxaha wax tahriibiyaan fasahaadiyeen bulshadii. Khamriga Garoowe caadi baa la iskula dhaafaa; guryaha anshax xumada lagu sameeyo ama hoteellada waxa lagu dhaqan habaabiyey cawradii dalka joogtey; qofkii loo garto inuu wax wanaagsan ka talinayo waxa lagu shaabbadeeyey ‘argagixiso.’ Hadday Garoowe waa ahayd meel diinta dhaqanka wanaagsan loogu soo hagaago, xilliyadaasi waa socdeen. Dabcan weli ummadda badi weli dhaqankoodii ma hallaabin.
2. Maammulka oo awooddiisu ku kooban tahay gacanta madaxweyne Faroole, isagoon haba yaraatee u oggolayn masuuliyiinta kale inay xataa go’aan ka qaataan wasaaradaha ay joogaan. Wasiirrada Garoowe baradu u tahay waxay wakhtiga iskaga lumiyaan tumasho iyo barjayn. Lacagta dakhliga ah ee laga helo dekedda Boosaaso,  Garoommada iyo cashuuraha madaniga waxaa boqolkiiba 99 lunsada dawladda, wax shacabka looga qabtana iskaddaa.
3. Sicir bararka oo xad dhaafay, lacagaha budhcad badeeddu soo dhacday, tahriibayaasha, iyo lacago faalso ah oo debedda laga soo daabaco ayaa shukaanta dhaqaale ee Puntland haya. Dadku badi waxay ku noolyihiin xoogaaga xawilaadda ay ugu soo diraan eheladooda kala jooga daafaha adduunka.
4. Siyaasad murugsan oo xataa aadan kala garan karin in dalka maammul ka jiro iyo in Itoobiya toos looga maaammula ayaa kuu muuqanaysa markaad habdhaqanka maammulka Garoowe u fiirsatid. Qunsuliyadda Itoobiya ee dhowaan laga furay Garoowe waa mid awood maammul ku leh Puntland. Tusaale,  Itoobiyaanku waxay si laafya-laafyood ah u dhex maraan magaalada, iyagoo mooda inay Soomaalida kuba dhex milmi karaa–qaarkood macawiso xiran yihiin, qaar qayilayaan. Waxan maqli jirnay, “baqashii farda la mirataa faras bay ismooddaa.”
5. Faroole wuxuu loollan siyaasadeed kula jiraa, siyaasiyiintii garabkii taageersanaa Cabdullahi Yuusuf, iyo gobollada laga taageeri jiray xukuumaddii Yuusuf. Dhaqaalaha Gaalkacayo, ammaankeeda, iyo horumarkeedu aad buu u wiiqmay intii Faroole xukunka qabtay. Dilkii, dhacii, boobkii, kala dambayn la’aantii ayaa noqday mid joogta ah magaalooyinka Gaalkacayo, Qardho, iyo Boosaasoba.
6. Faroole wuxuu takoor iyo diir nacayb kula kacay bulshada gobollada Sanaag, Sool, Haylaan, Bari, iyo Cayn. Waxa uu toos u aqoonsaday in Laascaanood Somaliland ku tirsan tahay; wuxu kala faquuqay bulshadii gobolka Bari ku sugnayd oo lagu yiqiin walaalnimo iyo wada noolaansho; waxa uu duullaan indhala’aan ah ku qaaday Galbeedka Gobolka Bari beesha degta.
7. Faroole markuu Australia qaxootiga ku ahaa, isaga iyo rag kale oo ku mid yahay Ciisa Dhoollawaa, waxay dalka keeneen shirkado maafiya ah oo qaarkood sunta ku aasaan badda, qaarna doonayaan inay gurtaan khayraadka ku baahsan arlada Puntand. Waana arrinta sababtay in colaadihii Majayahan ka dhacay 2006-dii dib loo soo nooleeyo. Inkastoo maammulka Faroole beeniyo macdan gurashada iyo khayraad boobka marka warbaahintu abbaarto, haddana maanta waa kan keenay shirakado kuwii hore ka sii daran oo South Africa laga leeyahay. Waxa uu heshiisyo hoose la wadaa shirkadda Kuwait Energy Group; wuxu sidoo kale shaaciyey inuu Saracen Company oo ah shirkad shidaalka baarta, uu dalka ku keeno inay tababbarayaan ciidammo badda ilaaliya, malaha waa PIS (ashaahado la dirirka,) sida weyn ula shaqaysta budhcad badeedda.
8. Faroole wuxu collaystay isimmada badidood, waxgaradka, aqoonyaahannada, culuma awdiinka, iyo in allaale iyo intii ka talisa wanaagga. Wuxu si toosa iyo si dadbanba u gumaaday dadkii kaga soo horjeestay mooryaannimada uu dalka ka wado. Siyaasiyiinta sawirkooda aad kor ku aragtid dadka reer Puntland badiba iyo Soomali weyn waxay aamminsan yihiin inay ku maqan yihiin gacanta Faroole.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole (Criminal)
Sababahaas iyo kuwa kale oo badan waxay iftiiminayaan khatarta ku soo fool leh ummadda reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliba. Faroole waa dhiigyacab aan ilaa aqoon, dad aqoon, caqli gaaban, macangag ah, garmaqaate ah, qabiilayste ah, diin takoor ah, wuxuna ku jaan go’an yahay: “Haaddaan la iska qaban Faroole waa qaatil xoogsadaye.”
Dadka reer Puntland waxa u taal talo, inay ka tashadaan aayahooda, oo dadadka bid la isugu soo celiyo, la xakameeyo budhcad badeedda, la joojiyo tahriibinta masaakiinta, la ishortaago wiilahsa laga iibinayo Amxaarada, la xiro qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay Garoowe. Faroole iyo xulfadiisa in maxkamad lala tiigsado.
Beesha caalamku iyadooba og dembiilannimada Cabdiraxmaan Faroole, waa inay ka caawintaa dadka reer Puntland sidii sharciga loo keeni lahaa dembiile Faroole, aanna la dhegeysan beenta uu ku qaraabto ee waxan la dagaallmaa argagixiso, waxan dabar goynayaa budhcad badeed, waxan mamnuucayaa tahriibinta. Adduunku ha ogaado Faroole isagaa ka waayeela waxaasoo qas iyo dhibaata ah.
W.Q Maxamed Xuseen
maaxinuurow@gmail.com

We welcome the submission of all articles for possible publication on Terror Free Somalia Foundation Send your comments and  articles to  terrorfreesomalia@gmail.com


Abdirahman Warsame is the Executive Director of the Terror Free Somalia Foundation.a national grassroots organization that opposes terrorism and supports democracy in Africa. regular contributor American Thinker http://www.americanthinker.com/abdirahman_warsame/ . .Pajamas Media and .other American conservative organization   

Gunmen kill well-known elder in Bosaso town

 

No comments:

Post a Comment