Sunday, January 16, 2011

Raisal Wasaraha Somaliya Mudane Farmajo Iyo Ban Ki Moon o ku shiray Xarunta New York/Sawiro.

Duhur-Raisal Wasaraha Somaliya Mohamed Abdullahi oo booqashu ku marayo dalka Mareeykanka,ayaa maanta la kulmay Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban KI Moon,kulan kaas, oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York,waxeyna aad ugu dheeraadeen arrimaha Somaliya,gaar ahaan sidi nabadgalyada wax looga qaban lahaay,ka dibni waxey isla garteen in adduunku u soo jeesto sidi lo soo afjari lahaa dagaalada ka soconayo muddada dheer dalka Somaliya.Raisal Wasaaraha ka dibna wuxuu la kulmay dhammaan Waddamada ka soo jeeda Security Council.
Maalinta Jimcaha Mudane Farmajo wuxu Khudbad dheer ka jeedin doona Xarunta Qaramada Midoobay.Khudbadaas oo ku saabsan sidi wax looga qaban lahaa dhibaatada ku habsatay Somaliya.Khudbada Raisal Wasaarahan waxa si toos ah u soo tabin doono haddii Eebbe ka raali noqdo TV.Universal.
Galabta Raisal Wasaaraha Mohamed Abdullahi,wuxu Hoteelkiisa kula kulmay,Jaaliyadda Somalida ku nool Waqooyiga Mareykanka,waxana ka mid ahaay.Mr,Mohamed Abdullahi Igal oo ka soo jeeda Jaaliyadda Gobalka Ohio,iyo Mohamed Ahmed Keynan,,Bashir Abdirahman Gurxan.oo dhamaantooda ka yimid magaalada Columbus,waxeyna ka war bixiyeen xaaladda Soomalida ku nool Gobalka Ohio,iyo sidii loogu gargaari lahaay umadda Somaliyed,waxa kalo o shirka Fadhiyay,Mr Dahir Sheikh,oo ku nool Gobalka New york,iyo Sheikh Ismail Abdulle, iyo Olad M. Ahmed oo ka yimid Gobalka Minnesota.
RITE

No comments:

Post a Comment