Wednesday, January 19, 2011

Ra'isulwasaraha Xukumadda Federalka Somalia Mohamed Abdullahi Farmajo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Washington, DC




Wafdi uu hoogaaminiyo PM Dr. Maxamed Cabdullahi Maxamed oo uu ka mid yahay Eng. Cabdiraxman Omar Osman Yariisoow ayaa dhawaan socdaal gaaban ku soo gaaray magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.
Ra’isal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxay la kulmayeen madax sare oo ka socota Wasaaradda Arrimaha dibedda dalka Mareykanka oo uu ka mid yahay Johnnie Carson oo ah Assistant Secretary of State for African Affairs.
Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee uu hor kacayay Ra’isal Wasaare Maxamed Farmaajo ayaa markii ay Washington yimaadeen waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Soomaalidii ku nooleed nawaaxiga caasimada oo uu hogaaminayey Dr. Abukar Armaan oo ah Envoy-ga qaaska ah ee DKMG kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Dr.Yusuf Ibrahim Bobo, Prof. Liban A. Egal, Eng. Xuseen Darwiish, Eng. Raghe M. Jama iyo Eng.  Jamal Sh. Saciid.
Ra’isal Wasaaraha ayaa wuxuu halkaas ku qaabilay dadweyne fara badan oo isugu jira aqoon yahano, mas’uuliyiin sare, safiiro, ganacsato iyo wax garad rag iyo dumarba lahaa, asaga oo kala hadlay sidii loo caawini lahaa Dowladda ku meel gaarka ah ee uu shacabka Soomaaliyeed leeyahay, loogana hortagi lahaa caqabadaha iyo dhibaatooyinka balaaran ee Soomaaliya ka jira sida: Abaaraha iyo nabadgalyo xumada, isla markaana gacan looga geysan lahaa horumarinta bulshada, dib u dhiska, iyo xoojinta isku xirka xiriirka dibedda iyo gudaha.
Dadkii halkaas isugu yimid ayaa waxay soo dhoweeyeen fikrada waxtarka leh ee uu soo bandhigay Ra’isal wasaaraha, waxay qireen in Dr. Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) uu yahay mas’uul Soomali ah oo ku dayasho mudan kana bisil dhan kasta.
Dadkii uu halkaas ku qaabilay Ra’isal wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Prof. Liban A. Egal oo ka mid ah madaxda Hey’adda maxaliga ah ee Somali Development Foundation oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan SDF oo ka warbixiyey howlaha ay Hay’adda ka soo qabatay dhamaan goballada Soomaaliya. Prof. Liban Egal ayaa waxuu sii faah-faahiyey mashaariicdii ay hirgalisay Hay’adda ayaagoo ku bixiyey dhaqaale faro badan iyo qalab waxbarasho sida dugsiyada hoose-dhexe, dugsiyada sare iyo dhismaha Jamacadda GEDO University.
Dhanka midig ka bilow, Ra’isal Wasaare Dr. Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) iyo Prof. Liban A. Egal.
Mr. Egal ayaa sheegay in ay dhaqaalahaas baxsheen qurba joogta iyo shaqsiyaadkii dhisay Hay’adda.  Prof. Liban ayaa waxuu kaloo sheegay in Barnaamijyada cusub ee ay hay’addu ku howlan tahay ay ka mid yihiin sidii ay gacan buuxda uga geysan laheyd xagga caafimaadka, abaaraha, dhismaha, iyo nabadda.
Ra’isal wasaare Dr. Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa wuxuu aad u soo dhoweeyey horumarka ay ku talaabsatay Hay’adda, wuxuuna ka codsaday mas’uuliyiinta Hay’adda ay sii laba jibaaraan wax qabadkooda isla markaana la shaqeeyaan DKMG.

No comments:

Post a Comment