Tuesday, April 5, 2011

Sir Culus: Dowlada Itopia O Doonaysa Inay qabsato Soomaliya


Nairobi: Damaca Itoobiya Iyo hagardaamada Kenya Ayaa waxaa Ay Bidhimaaniyaan Qorshe Cusub Oo Lidi Ku Ah Himilooyinka Shacabka Soomalaiyeed Ee Ku Aadan In Ay gaaran Dowladnimo Iyo dal madaxbanaan ,Kuwaas Oo Muujinaya falaaro Halis Ah hadii Aan Si feejigan Loga Fiirsan.Isbadalada Dhacaya Oo dhanka Siyaasada Ah Ayaan Daah ka saarneen Shakhsi Walba Oo Soomaaliyeed ,Balse Micnaha halka Loo Soo socdo Ayaa Ah wadan Leh Kheyraad Ku filan Oo Dadkiisa Laga daboolay In Ay Arkaan ,Balse Indhaha wadamo Ay kamid tahay Itoobiya Iyo Kenya Si Aad ah Ay Ugu Firfircoonyihiin In Ay Qaab
Dibilomaasiyadeed Ay Ugu faa’deystaan Khayraadka dabiiciga
Ah. Xusuustaada Ayaa Kuu Ifinaysa Waxyaabihii dhacay Sanadihii La Soo Dhaafay ,Qorshaha Waxaa Uu Ahaa Sidii Silsilada Oo Kale ,Mana Doonayaan In Dowlada ka madax banaan Iyaga Ay Yeesheen soomalida.hadii Aynu Ku Hormarno ,Itoobiya Arimaha Ay Ku fashilinayso dowlad kasta Oo Somaliya Loo Dhiso Ayaa Ah mid Salka ku haysa laba Arimood
1-Dhulbalaarsiga Iyo Isfidinta Awoodeed Ee Itoobiya ay Ku hayso Umada Soomaaliyeed,Iyo Somaalida Intooda waaya
Arag Ah Oo Isdifaacay .
2-In I Toobiya Hogaanka U hayso Dowladii Loo soo
Dhiso somaliya ,Markii Ay Iska dhexweysana Muraayada Soamaliya Ayaa waxaa Ay
Bilaawda In Ay kala disho hogaamiyasha soomalida.
Hadaba Maxay tahay qorshaha Itoobiya.
Qaar badan Oo kamid Ah Siyaasiinta Somaaliyeed Ayaa waxaa Ay Aaminsanyihiin In itoobiya Ay tahay cadowga Ugu weyn Ee Somaliya ,Iyana Ogalaan Karin in Somaliya cagaheeda Ay Isku taagto ,waxaana Ay ku tilmaamaan In  Ay tahay Yuhuuda Afrika.Itoobiya ayaa Inta La ogyahay Taarikhda Malahan Deked ,Wax soo saar Ku filan ,Arimahan Oo Is Biirsaday Ayaa ka Dhigaya Itoobiya In Ay Iska mala’aawasho In Somaliya Uu yahay dal madaxbanaan Oo Aan laga sameesan karin waxii la doono.waxaa Ay Iminka wada qorshe Xeeladaysan Oo la doonayo In xilka Loga qaado Sheekh Shariif bari Ahaa cadowga itoobiya balse Iminka lagu tilmaamo wadaad qonyar socod Ah ,Qorashahan Ayaa waxaa Lagu kar karinaya magaalooyinka Nairoobi Iyo Doolow.
Faragilinta Qaawan
Aan geedka Loga Soo gaban Ee Itoobiya Ayaa waxa Horboodaya Sidii Xilka Loga tuuri lahaa madaxweyne Sheekh Shariif ,Shaqiyaas Sheeganaya In Ay Yihiin Muwaadinin Soomaaliyeed Kuwaas Oo kala ah,Cali Maxamed Geedi,Cor.Bare Hiiraale,Aadan maxamed Nuur Aadan Sooran Soor, Shariif xasan, cabdiraxmaan faroole.Dhawaan Ayaa waxaa Magaalada Adis Ababa loga Yeeray Shariif xasan ,Iyo Cabdiraaxmaan faroole iyadoo laga Dhaadhicinayay In Ay Qaataan Qorshaha Qayaxan Ee itoobiya Ay Ku xalaalaysanayso Degaanada Soomalida Ah Oo ay Gumaysato Iyo Kheyraadka Somaliya.Kama Maqana wadamada Reer galbeegka ,Oo Itoobiya Ay U Arkaan In Ay tahay wadadii Loo Mari lahaa In Somaliya Laga Dhigo Mid Kala Qoquwan,Waxaana Socda Wajigii labaad Ee Lagu Doonayo In Itoobiya Iyo Kenya Ay kala qeybsan lahaayen Somaliya Kaas Oo Iminka Muuqda.
Isku soo duubee dowlada Itoobiya ayaa waxaa la hubaa in ay Soomaliya ku heysay 20kii sano ee dowlad laaanta faragalin Joogta Ah ,waxaase shacabka Soomaaliyed aad U Jaclaan lahaayeen In Itoobiya La Saaro Cunaqabaten Dhan walba Ah,Iyadoo Laga Tusaala qaadanayo gardaradii Lagu galay Liibiya.
Kenya
kama sharyara Itoobiya.Marka La Eego Kenya ,Waxaa durabadiiba Soo baxaya In Uu Jiro Hami Ku Aadan In Homaamiyaal Ka Amar qaata Kenya Loo sameeyo markan Somaliya ,maadamada Itoobiya Ay Ku Guuldarastay Arinkaas sanadihi La soo dhaafay ,Kulamada Qarsoodiga Ah Iyo Kuwa Muuqdaba Waxaa Ay ka yihiim magaalada Neeroobi Kuwa joogta Ah Oo lagu Gurfeeyo Siyaasada Somaliya .Raali Ahaanshaha Kenya In Maamul goboleedyo laga Dhiso magaalada Nairobi, Iyadoo Ay Jirto Dowlada KMG Ah Ayaa Ah rabitaan aan qarsoneen Oo Kenya ay Ku doonayso In markan Awdoodeeda ay Ku Tijaabiso Somaliya .Waxaa Horkacaya Arintaasi wasiirka Diifaca kenya Yuusuf xaaji Iyo saraakiil kale Oo Loo Xilsaaray In Ay Abaaul siyaasadeed Ay Ka dhex bilaabeen Hogaamishaa Somalida Iyagoo Markiiba taageero U Fidiyay Maamul Goboleed Dhawaan Loga Dhawaaqay Kenya Oo Lagu magacaabo AZAANI,kaas Oo Caasimada KMG ah Loga Dhigayo Gaarisa Ilaa Iyo Lixbilood.
Maamulka Ay Kenya dabada ka Riixisayo Ayaa waxaa madaxweyane ka Ah Bro:Gaandi Oo Ahaa wasiirkii Hore Ee gaashan Dhiga ,waxaana Loo Igmaday maamulkan In Uu Degaanada Jubooyinka Ka dhigo Meel lagu maamulo Siyaasada Kenya.Waxaa Laga yaaba In Ay Isku khilaafaan labada Dowladood Ee Ku taramaya Soamliya Kenya Iyo Itoobiya Dhaq Dhaqaaqa Uu wado Bro: Gaandi oo Horay Wal wal uga Muujisay Siyaasada uu ciyaarayo gaandi Oo Ah Nin taageero Ku Filan ka Haysta Kenya ,balse Shacabka la Doonayo In lagu maamulo ay warmoog ka yihiin.Kenya Ayaa Arintaan waxaa ay u xilsaartay siyaasiyiin Ku jira Dowladeeda ,Oo Asal Ahaan ka Soo jeeda degaanada Soomalida Ee waqooyi galbeed kenya Oo kala Ah ,Yuusuf xaaji wasiiraka Difaaca Kenya Iyo faraax macalin Ao Gudoomiye Ku xigeenka Barlamanka kenya.Damaca Ayaa Ah In Loo gogol xaaro Dowlada Isbahaysi Ah Oo laga wada qeyb galiyo Inta Adeecsan danaha Reer Galbeedka,Itoobiya Iyo Kenya Oo Aan Ku Dhisneen rabitaanka Shacabka Soomaaliyee.Sida la filayo ,bilaha Soo
socda waxaa Suuragal Ah In Isbadal Aan Horay Loga baran Somaliya In Uu Ka Dhaco ,Marka Loo fiiriyo calalamada Badan Iyo Madaxweyniyasha La Aas aassayo. Arigtida beesha Caalamka dowrka Beesha caalamka Ayaa ah Mid Ku salaysan In Ciyaarta Socota Ay Ka Qeyb galaan Daawashadeeda Iyo In Taqa Binziin Ay Ku daaraan ,Wakiilka Qaramada Midoowe U qaabilsan Arimaha Somaliya Agustiina Maiga Ayaa wada dadaal Dheeraad Ah Oo Lagu doonayo In Waji kale Ay U yeelaan  Arinta Soomaliya.Dhabta Ayaa sidaas ka Fog,Waxaa La Doonayo Un Sidii Loo
Kordhisan lahaan Mashruuca Ay ka Leeyihiin Somaliya,Oo Wajiyo Kal dowan Leh.Waxaa Uu taageero U fidiyay Dhamaan Maamul Goboleedyada dalka Ka Jira ,Si Meel Mar Ay U Noqoto Mashruuca Ay Ku hagardaaminayaan Arinta Soomaaliya.Waji gabax Ayaa La Soo darsay kadib markii dowlada KMG Iyo qaar kamid Ah wadamada Reer galbeedka ay Ka Soo horjeesteen In Ay Ka Qeybgalaan Shirka Uu iclaamiyay Augustina Mahaiga..Filashado Ayaa Ah In la Sii wado dhibka lagu hayo Umadda Soomaaliyeed,Oo La daal dhacaysa dagaalo
,Abaaro,Iyo,Dowlad La’aan.
xigasho :   Ceelgoos.com

the true map of somalia


No comments:

Post a Comment