Monday, April 11, 2011

Mogadishu-Clan Calls for Firing Parliament Speaker : Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Digil iyo Mirifle oo maanta ku baaqay in xilka laga qaado Shariif Xasan kadib markii ay ku eedeeyeen… (Sawiro)

Mogadishu — The council of Somalia's Digil and Mirifle Clan on Monday called for the Somalia's parliament speaker to be fired.

The traditional elders from Digil and Mirifle accused Sharif Hassan Sheikh Adam, the speaker of Somali parliament, of wanting to demolish the interim federal government of Somalia.

In news conference held in the Somali capital Mogadishu, the chairman of Somalia's Digil and Mirifle Clan council, Omar Hajji told reporters that his clan fully supports the decision of the government to boycott the UN organized meeting that will be held in neighboring Kenya in 12 and 13 April.

The meeting, which is said to be consultative, will be focused on how the transitional period could be wrapped up.

The clan council also pointed out Hassan doesn't want to abide by the law of the country.

The statement of Digil and Mirfle comes as the speaker of the parliament became the only government official to attend the UN meeting on Somalia.

Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Digil iyo Mirifle oo maanta ku baaqay in xilka laga qaado Shariif Xasan kadib markii ay ku eedeeyeen…Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ayay ku baaqeen in xilka laga qaado guddoomiyaha golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyagoo ku eedeeyey inuu doonayo inuu burburiyo dowladda Federaalkal KMG ah ee Soomaaliya ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti.
 Guddoomiyaha golaha dhaqanka iyo Midnimada beelaha Digil iyo Mirifle Siciid Cumar Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in ugu horeyntii ay taageersan yihiin go’aankii Xukuumada Federaalka KMG ah ay ku qaadacday ka qeybgalka shirka Nairobi maanta ka furmay ee Q/midooba soo qaban qaabisay waxayna tilmaameen in xubnaha uu hogaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah guddoomiyaha Baarlamaanku ay yihiin dad sharciga hareermaray isla markaana doonaya inay dumiyaan dowladda Federaalka ah ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti, waxayna ugu baaqeen xildhibaanada Baarlamaanku inay xilka ka qaadaan, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale, afhayeenka golahaasi Digil iyo Mirifle Madiyow Maxamed Aftiin oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay in dalka Soomaaliya ay ka jirto xukuumada wixii shirar siyaasad ah looga dambeeyo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in shirka Nairobi aysan ku jirin danta shacabka Soomaaliyeed.
Hadalka odayaashan ayaa ku soo beegmaya xilli maalinta berri ah la filayo inuu ka furmo shirka ay Q/midoobay ugu magac dartay shirka wadatashiga Soomaalida kaasoo uu garwadeen ka yahay Augostine P.Mahiga oo ah wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q/midoobay qaabilsan Soomaaliya, iyadoo shirkani uu la kulmay diidmo adag oo ka imaaneysay qeybaha bulshada iyo kuwa siyaasada Soomaalida.
Maxamed Xuseen Ugaas: terror free somalia mogadishu
Ugaasyare114@gmail.com
The Nordic union of Somali peace and Development Organizations oo baaq taageero ah soo saaray (Original Statement)
Baaq taageero.pdf 337K View Download

No comments:

Post a Comment