Sunday, April 10, 2011

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta la kulmay in ka badan 250 xildhibaan kana codsaday in Xukuumada iyo Baarlamaan​ka ay wada shaqeyn dhow yeeshaan (CODKII R.WASAARAH​A)


MP318554K   Play   Download  
Ra’iisul Wasaaraha oo maanta la kulmay in ka badan 250 xildhibaan kana codsaday in Xukuumada iyo Baarlamaanka ay wada shaqeyn dhow yeeshaan
Muqdisho, April, 10.2011------Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada ayaa maanta kulan la qaatay in ka badan 250 ka mid ah xubnaha Baarlamaanka isagoo kala hadlay arrimo ku aadan marxaladdaha dalku marayo isagoo ka codsaday in Golaha Xukuumada iyo Golaha Baarlamaanku ay yeeshaan wada shaqeyn dhow.
Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasiiru dowlaha Xiriirka Baarlamaanka iyo Xukuumada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxaana Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay xildhibaanada uu ka codsaday in la iska illaaliyo wax kasta oo wax yeeleyn kara horumarka iyo rajada shacabka Soomaaliyeed.
“Mudanayaal kulankani waa kulan muhiim ah, sababtoo ah ma ahan inaan isku aragno hoolka Baarlamaanka oo kali ah ee waa inaan kulamo joogto ah yeelano” ayuu yiri R.wasaaruhu isagoo uga warbixiyay horumaradii ugu dambeeyey ee ay dowladdu gaartay dhanka Amniga, Siyaasada, Dhaqaalaha, Dib-u-dhiska, la dagaalanka Musuq maasuqa iyo qeybo kale.
“Golaha Wasiirada shirarkeena runtii waan kaga hadalnaa naf hurnimada ama iskaa wax u qabsada ay ku shaqeeyaan xildhibaanada Baarlamaanka maadaama aad qaarkiin 10 sano tihiin xildhibaano oo aad Qarankiina u shaqeyneysaan, haddana ay idin heystaan duruufo dhanka mushaaraadka, amniga iyo dhibaatooyin kale oo badan” ayuu mar kale ku yiri R/wasaaraha oo u xaqiijiayay Mudanayaasha Baarlamaanka golahooda wasiiradu ay waqtiga u haray ay u shaqeyn doonaan sidii dalka looga samatabixin lahaa dhibaatooyinka dhan kasta ah.
Dhinaca kale, Wasiiru Dowlaha xiriirka Baarlamaanka iyo Xukuumada Mudane Maareeye oo ugu dambeyntii xildhibaanada la hadlay ayaa sheegay in kulankani uu yahay midkii ugu horeeyey balse ay xigi doonaan kulamo kale oo ay fikraddaha isku dhaafsan doonaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Xildhibaanada Baarlamaanku, wuxuuna u balan qaaday in guddiyada Baarlamaanka loo sameyn doono Xafiisyo iyo Miisaaniyad u gaar ah si ay ugu fuliyaan howlaha Qaran ee loo xilsaaray.
Raiisulwasaaraha kulan maanta xildhibaano --
Garad Salad Hersi Press Officer office of the Prime Mogadishu, Somalia
 

No comments:

Post a Comment