Tuesday, April 5, 2011

Warsaxaafadeed shirka golaha Wasiirada 05.04.2011 : oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen magacaabis Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Sharciga Axsaabta iyo Doorashooyinka iyo arrimo kale

                                                                          
                                                  Warsaxaafadeed


(Muqdisho – Talaado, 05 April 2011) Shir ay maanta isagu yimaadeen xubnaha Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen magacaabis Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Sharciga Axsaabta iyo Doorashooyinka iyo arrimo kale.

Golaha waxaa la soo hordhigay taariikh nololeedka shaqsiga ay Wasaaradda Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta u soo xushay inuu noqdo Garyaqaanka Guud ee Qaranka. Ka dib markii Wasaaradda Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay warbixin kooban ka bixisay shaqsigan, isla markaana ay Golahu is weydaarsadeen dood dheer ayuu Golahu isku raacay in la magacaabo Avv. Xasan Cali Xeyle inuu noqdo Garyaqaanka Guud ee Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashandhiga ayaa Golaha siiyey warbixin ku aadan howlgalka ay DFKMG ah ku sugeyso amniga iyo kala danbeynta, isla markaana Golaha warbixin ka siiyey horumarka laga sameeyey Dhoobley iyo degmooyinka Gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose iyo wafdigii ka socday DFKMG ah ee uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda iyo sidii quruxda badneyd ee loogu soo dhoweeyey goobahii ay booqdeen.

Sidoo kale Wasiirka Gaashandhiga ayaa warbixin ka siiyey Golaha dadaaladii ay beryahan DFKMG ah waday ee ku wajahnaa sidii shacabka soomaaliyeed loogu furi lahaa Waddooyinka taga Suuqa Bakaaraha oo ay kooxaha Nabad diidka ah ay xireen, isla markaana ka qodeen godad waaweyn oo gaadiidka ka hor-istaagay isticmaalka Suuqa Bakaaraha. Sidoo kale kooxaha Nabadiidka ah waxey liif saareen waddooyinka taga Suuqa Bakaaraha oo ay si joogta ah u xabadeeyaan gaadiidka raba inay tagaan Suuqa Bakaaraha. Ka dib shirar joogta ah oo ay DFKMG ah la yeelatay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa ugu danbeyntii waxaa la isla gartay in waddooyinka taga Suuqa Bakaaraha loo furo shacabka soomaaliyeed si ay u isticmaalaan isla markaana looga digo kooxaha nabad diidka ah inay hor-istaagaan shacabka soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha ka hor akhriyey sharciga Axsaabta iyo Doorashooyinka, ka dibna la isku raacay in xubnaha Golaha Wasiirada ay soo akhristaan, oo shirarka soo socda looga doodo si loo ansixiyo.

-DHAMAAD-
-- Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mogadishu, Somalia

No comments:

Post a Comment