Tuesday, April 26, 2011

Warsaxaafa​deed Shirka Golaha Wasiirada April 26

Warsaxaafadeed
(Muqdisho - Talaado, 26 April 2011) Shirkii ay Golaha Wasiiradu yeesheen maanta oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, abaaraha ka jira dalka iyo marxaladda kala guurka ah.
Golahu waxey isku raaceen arrimaha soo socda:
1.      In la dar-dargeliyo howlgallada lagu sugayo amniga dalka, isla markaana ay Xukuumadda awoodeeda dhaqaale ay xoogga ku saarto sidii loo haqab tiri lahaa baahida ciidanka Dowladda FKMG ah.
2.      In dhammaan shacabka soomaaliyeed loogu baaqo roob-doon bacdamaa ay roobabkii soo daaheen, isla markaana ay abaarihii baaheen oo ay saameeyeen dhammaan dalka oo dhan. Sidoo kale Xukuumaddu waxey ugu baaqeysaa dhammaan shacabka soomaaliyeed inay isku tashtaan oo ay isu-gar-gaaraan xaaladdan adage e soo wajahday dalka.
3.      In Xukuumadda ay sii wado wadatashiyada ay la bilowday baarlamaanka ee ku aadan qorshayaasha xukuumaddu u diyaarineyso dhameystirka howlaha qabyada ah ee uu Axdiga FKMG ah na farayo, si loo abuuro aragti mideysan ee ku aadan mustaqbalka soomaaliya.
-DHAMAAD-

--
Garad Salad Hersi Press Officer office of the Prime Minister Mogadishu, Somalia

No comments:

Post a Comment