Thursday, April 28, 2011

Warsaxaafa​deedkii shirka golaha Wasiirada+​Codka+Sawi​rka Wasiirka A.gudaha iyo Amniga Qaranka

Warsaxaafadeed

(Muqdisho - Khamiis, 28 April 2011) WasaaraddaArrimaha Gudaha & Amniga Qaranka Soomaaliyeed iyadoo ka duuleysa xaaladdaamniga iyo sida loogu baahanyahay in loo sii dar-dargeliyo howlaha amniga,iyadoo loo adeegayo shacabka soomaaliyeed ayey waxey soo saareen go’aanadanhoos ku qoran:

1.     Si loo hubiyo amniga shacabkasoomaaliyeed in qorshe walba oo lagu sameynayo mudaaharaad ama shirar dadweynemarka hore lala soo socodsiiyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka siloo suurtogeliyo amniga dadweynaha ha noqoto shirarka ama mudaaharaadyada.Arrintan ayaa looga danleeyahay in laga hortago in kooxaha nabad diidka ah ayka faa’iideystaan oo ay ku soo dhexdhuuntaan mudaaharaadyada ama shirarka oo ayka fuliyaan falal amni darro. Ujeedada laga leeyahay arrinkan ayaa ah inshacabka ay si madaxbannaan oo waafaqsan sharciga ay u muujiyaan dareenkooda,iyadoo hay’adaha amniga ay diyaar u yihiin inay sugaan amnigooda.

2.     Wasaaradda arrimaha Gudaha &Amniga Qaranka iyadoo fulineysa soo jeedintii ka soo baxday golaha wasiiradawaxey ka xuntahay falalka amni daro ee ay kooxaha nabad diidka ah ka wadaangoobaha xasiloonida ka jirta ee Puntland. Wasaaraddu waxey si adag ucambaareyneysaa falalka noocaas oo kale ah, waxeyna ugu baaqesaa dhammaanshacabka soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo wadanoolaashahadhexdooda ah. Wasaarada Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka waxey diyaar utahay inay Puntland iyo gobolada kale ee dalka gacan ka siiso sidii loo joojin lahaaloogana hortagi lahaa kooxaha caadeystay inay qalqal geliyaan amniga iyonabadda ummadda soomaaliyeed.

3.     Ugu danbeyntii waxaan shacabkasoomaaliyeed ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaanaay u soo sheegaan hay’adaha amniga falkasta oo ay u arkaan inuu qalqal gelinayoammaanka guud. Sidoo kale Wasaaraddu waxey ku boorineysaa shacabka soomaaliyeedinaysan ka qeybqaadan falkasta oo lid ku ah amniga iyo degenaanshaha dalka ooay ku jiraan shirar iyo bannaanbaxyo aan sharciga waafaqsaneyn.  

-DHAMAAD-
11912K   Play   Download   --
Garad Salad Hersi Press Officer office of the Prime Minister Mogadishu, Somalia

No comments:

Post a Comment