Sunday, May 1, 2011

Somalia to recreate its Exclusive Economic Zone - Dowladda Federaalka KMG ah oo soo dhicisay xaqii Badda

Somalia to recreate its Exclusive Economic Zone
The Somali Fishing and Sea Resources Minister Mohamed Moallim said his ministry has taken steps forward in the preparation of documents pertaining to the preservation of the Somali Exclusive Economic Zone.
The minister who addressed the cabinet said that the territorial waters of Somalia extend upto 370 kilometers which is the exclusive economic zone in line with the United Nations Convention on Law of sea. This gives the Somali government to fully exploit the resources within this limit which doesn’t allow other countries to trespass and use these resources.
Mohamed Maalim said the documents and maps outlining Mogadishu’s territorial waters will be published and prepared to be displayed to Somali media.
The minister said the document contains rules of preserving and protecting the Somali waters from illegal fishing and dumping of toxic chemical wastes. The Somali cabinet ministers endorsed the measures by the ministry of fisheries in protecting the sea of Somalia.


Shirkii ay maanta golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka KMG ah isugu yimaadeen ayaa waxaa warbixin siiyay golaha Wasiirka Kalluumeysiga, Kheyraadka badda iyo Bey’adda Mudane Maxamed Macalin Xasan oo muddooyinkii u dambeeyey ku howlanaa sidii si sharci ah loogu heli lahaa xaqa xuduuda Badda ee ay Soomaaliya xaqa u leedahay.Wasiirku wuxuu ku soo guuleystay in la diyaariyo Documentigii waafaqsanaa sharciga Caalamiga ah ee xuduudaha Badda Soomaaliya kaasoo lagu soo cadeeyey in xuduuda dhaqaale ee u gaarka ah Soomaaliya (Exclusive Economic Zone) ay tahay 200 Nautical Miles oo u dhiganta 370.4 km.“Waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta Golaha Wasiirada siiyey warbixin la xiriirta natiijadi iyo guushi ka soo hoyatay safarkeygii oo aheyd in aan keenay dokumenti qeexaaya xad badeedka Somaliya oo loo sameeyey si waafaqsan sharuucda caalamiga ah ee badaha ee Qaramada Midoobey (United Nations Convention on Law of Sea)” ayuu yiri WasiirkaWasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Documentiyadan iyo qariidooyinka la socda waxaa lagu soo daabici doonaa Website-yada Qaramada Midoobay iyo hay’addaha kale ee Caalamiga ah, sida FAO.
Talaabadan ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed tanoo horseedi doonta in lala xisaabtamo falalka kalluumeysiga sharcidaradda ah iyo qashinka suntan ah ee lagu daadiyo Baddaheena.

Sidaasi daraadeed dowladdu waxay u xaqiijineysaa shacabka Soomaaliyeed inay u soo dhicisay xaqii xuduuda dhaqaale ee Badda ee sharciga ahaa.

Garad Salad Hersi Press Officer office of the Prime Minister Mogadishu, Somalia

No comments:

Post a Comment