Sunday, May 29, 2011

War-saxaaf​adeed Shirka Golaha Wasiirada May 29.2011

                                                                     Warsaxaafadeed
Muqdisho, Axad, 29 May 2011 – Shir ay maanta golahawasiirada yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia MudaneMohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo fara badan oo ayka mid ahaayeen Shirkii Golaha Ammaanka ee QM ay la yeesheen Madaxda Qaranka,xil ka qaadis lagu sameeyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyo magacaabisXeer Illaaliye Guud oo cusub.
Ra’iisul Wasaaraha Somaliyaayaa warbixin kooban siiyey golaha ee la xiriirtay shirkii Golaha Ammaanka eeQM ee ka dhacay Nairobi 25-kii May 2010. Warbixintaas ka dib Golaha Wasiiraduwaxey u mahadceliyeen Golaha Ammaanka ee QM iyo sida ay mudnaanta u siiyeenarrimaha Somalia. Golaha Wasiiradu waxey soo dhoweeyeen go’aanadii ka soo baxayshirkaas oo ay ka mid ahaayeen in magaalada Muqdisho lagu qabto shir wadatashioo ay Somalida ku soo afjaraan khilaafkooda, isla markaana ay ku go’aansadaansidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka. Golaha Wasiiradu waxey hoosta kaxariiqeen in loo baahanyahay in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ay la wadayimaadaan sidii khilaafaadka jira loo soo wada afjari lahaa oo mowqif mideysanloo wada qaadan lahaa, iyadoo la eegayo danta guud ee shacabka soomaaliyeed.
Wasiirka Garsoorka,Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Abdullahi Ebyan Nur ayaa golaha u soogudbiyey warbixin la xiriirta arrimaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyohay’adaha Garsoorka oo uu sheegay in loo baahan yahay in dib-u-habeyn lagusameeyo. Warbixinta wasiirka ka dib Golahu dood dheer ay yeesheen waxey iskuraaceen arrimahan hoos ku qoran:
1. In Xilkii laga qaadayXeer Ilaaaliyahii Guud ee Qaranka Abdullahi Dahir Barre.
2. In Mudane AbdulkadirMohamed Musse loo magacaabay xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

- DHAMAAD -


--
Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

No comments:

Post a Comment