Saturday, June 11, 2011

R/wasaaraha oo shacabka la hadlay – DHAGEYSO

R/wasaaraha xukuumadda FKMG ah mudane Maxamed C/llaahi Maxamed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay guryahooda aadaan isagoo tilmaamay in la tixgelin doono rabitaankooda.
Mudane farmaajo oo shacabka kala hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in rabitaanka shacabka Soomaaliyeed uu maqlay uuna tixgelin doono wuxuuna ka socdasay in ay guryaha dib ugu laabtaan ayna soo afjaraan dibad badyo maalintii labaad ka socday magaalada oo isaga lagu taageerayay.
Salaadiinta, Culumaa’udiinka, haweenka, waxagaradka iyo dhamaan Bulshada waxay i siiyeen xaqiiqdii kalsooni iyo taageero aan xisabai karin, mana ahan mid aan iloobi doono, waan idin maqlay banaan bixiina shucuuurtiina, taageeradiina, sawaxankiina wan maqlay, talada dalka ayaa wax ku leedihiin, rabitaankiina waa qasab in la maqlo” ayuu yiri R/wasaruhu
Sidoo kale R/wasaaruhu wuxuu baaq u diray ciidamada dowladda, oo uu sheegay in looga baahan yahay in ay sii xoojiyaan ammaanka dalka ayna difaacaan kooxaha Kawaarijta ah ee dhibaatada ka wada dalka.
“Ciidanka waxaa leeyahay ee geesiyda ah, difaaciina ku jira, wada difaaca, una dhinta dalkiina hooyo, guusha aad gaarteen dib yaan looga noqon, cadawga waxay u egtahay inuu guuldareystay, yaan la xoojin, difaaciina adkeeya, guusha aad soo hoyseen mid la iloobi karo ma noqon doonto, adkeeya boosaska aad taagan tihiin, inaa horay u socotaan mooyee gadaal ha soo fiirina, shacabkana waa idin taageersan yihiin”
Wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in dowladda oo uu hoggaamiyo madaxweynaha qeybaheeda kala duwan ay u taagan tahay in ay shacabka maqasho ayna ballan qaadeen taa, wuxuuna ku celceliyay in la maqlay fariinta ay shacabka Soomaaliyeed direen.
Halkaan ka dhageyso Khudbadda R/wasaaraha.


No comments:

Post a Comment