Thursday, June 23, 2011

War Saxafadeed: Bayaan ka soo baxay Beesha Maxamed Ammaanreer(wagardhac)(Sade daarood) ee Puntland dalka gudihiisa iyo dibadadiisaba ayaa si buuxda u taageeraysaa xil magacaabista Ra’isul-wasaare Prof. Cabdiwali Cali ( Gaas )

War Saxafadeed



(tf.sf ) Bayaan ka soo baxay Maxamed Ammaanreer( wagardhac )(Sade daarood) ee Puntland dalka gudihiisa iyo dibadadiisaba ayaa si buuxda u taageeraysaa xil magacaabista Ra’isul-wasaaraha cusub ee uu soo magacaabay Madaxweynaha dowladda FKMG Soomaaliya Mudane Shariif Shiikh Axmed. Ra’isul-wasaare Prof. Cabdiwali Cali ( Gaas ) waxay Beesha wagardhac ee dalka iyo dibaddiisaba ku nool ay ku soo dhaweynayaan gacmo furan iyo niyad-wanaag, isla markaasna waxay u dirayaan taageero iyo hambalyo, waxaana Beeshu u rajeyneysaa in uu noqdo Mas’uulkii xilkiisa si sharaf iyo cadaalad leh ku guta waajibaadkii loo igmaday. beesha Mahamamad amaan reer ( wagardhac ) ee Puntland waxay Ra’isul-wasaare C/wali ku dhiirigelinayaan in ay sugeyso shaqo balaaran isla markaana looga baahan yahay in uu samata bixiyo shacabka Soomaaliyeed oo in badan la soo daalaa dhacayey dhibaato iyo colaad, waxayna Beeshu Alle uga baryaysaa in masuulkaas uu xilka Ummada la garab galo. Bayaanka taageerada iyo hambalyada ah ee ay soo saareen Waxgaradka Beesha Wagardhac ayaa waxaa dhinac socdey fariin loo diray Madaxda Hay’adaha Dowladda in ay la shaqeeyaan Ra’isul-wasaaraha cusub isla markaana ay sameeyaan isu tanaasul oo ay dhameeyaan khilaafka mar walba dowladaha fashiliya.Ugu dambeyn waxay beesha Wagardhac ugu hboggaadinaysaa go’aanka geesinimada leh ee uu qaatey Madaxweynaha dowladda FKMG Soomaaliya mudane Shariif Sh. Axmed kadib markii uu ku dhawaaqey in Prof. C/wali Cali Gaas uu noqdo Ra’isul-wasaaraha dalka isagoo latashiyo la sameeyay Ra'isal wasaare hore mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo), dhamaan dhinacyada ay khuseyso oo ay ku jiraan Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Faroole , Xildhibaanada Baarlamaanka Somalyeed iyo Waxgaradka beelaha Somaliyeed . waxaa si gaara ah jaaliyada beesha Wagardhac u mahad celinaysaa lataliyaha Ra'isal wasaare hore mudane (Farmaajo) (TFG) xaga arimaha gobolada , siyaasada iyo Dib u heshiisiinta CaaqilMudane Bashir Cabdirahman Xaaji Gurxan iyo Ra'isal wasaare hore mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo) waxey hambalyo iyo taageero u diriyaan Raisal wasaaraha cusub Prof. Cabdiwali Cali ( Gaas ) . waxay beeshu ugu baaqda Ra’iisulwasaare Dr.Cabdiweli inuu ka shaqeyo soo celinta xirrirka ka dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka. Dhinaca kale waxay beeshu si wayn ula riyaaqday waxqabkii Ra’isul-wasaaraha Hore mudane Farmaajo & Golihiisa Wasiirada oo ay xusi doonto taariikhdu wixii uu qabtay mudo dii gaab neeyed ee ay xilka hayeen..



Katimd: Golaha Guurtida. Culimada &Salaadhiinta, haweenka, Ardayda & aqoonyahanda ,Saraaakiisha ciidanka iyo ganacsatada

Golaha Guurtida beesha
1- Nabadoon Cabdi Qacle
2- Nabadoon Cali Wali
3- Nabadoon Daahir C/lle Cali (Gare)
4- NabadoonCabdi Xasan Cade
5- Nabadoon Daahir Macalin Faarax
6- Nabadoon C/rixmaan xaashi Tarabi
7- Nabadoon Cusmaan Xaashi Diirshe
8- Nabadoon Bashiir Macalin Cumar
9- Shiiq Maxamed Xaashi Guure
10- Nabadoon Raage Cali Maax
11- Nabadoon Feed Good Guure
12- Nabadoon bashir A Maxamed


wakilka arimaha abniga gudaha ( Maamulka Puntland )
korneel xasan loow
wakilka aqoonyahanda ahna
wakilka ( Maamulka Puntland )
DR Liban Farah (Timawayne)

DR Liban Farah (Timawayne)
UNDP Rols
Garowe Puntland Somalia
leefa72@hotmail.

C-V-GA PRIME MINISTER-KA CUSUB


Xaafiiska Warqabadka
Puntland Diaspora Washington dc
Abdirahman Warsame
Executive Director of Terror Free Somalia Foundation





Wabillahi Tawfiq
lataliyaha Ra'isal wasaare hore mudane (Farmaajo) (TFG) xaga arimaha gobolada , siyaasada iyo Dib u heshiisiinta Caaqil – Mudane Bashir Cabdirahman Xaaji Gurxan


No comments:

Post a Comment