Friday, September 30, 2011

Wasiirka ?? Badda Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed oo fara galiyey Xornimadii Wadanka, Jabinayana Sharciga Badda Soomaaliya

Wasiirka Badda oo sheegay in Badda Soomaaliya xad lahalan, Soomaaliyana u baahnayn 200 oo mayl baddeed

Mooryaan  Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed


Wasiirka ? moryaanka  Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed oo qayb ka ahaa barnaamij ka baxay Tv-ga Somali channel, ayaa sheegay in badda Soomaliya aysan xad lahayn loona baahan yahay in la xadeeyo. Xadaynta wasiirka iyo dowladiisu doonayso ayaa ah in Soomaaliya loo sameeyo xad cusub oo aaga gaarka ah ee ganacsiga ah (EEZ).



1- Hadaba su'aalaha is waydiinta leh ayaa ah Badda Soomaliya hada xad maleedahay?

2- Badda Soomaaliya Xadkeedu intee cabirkiisu yahay?

3- Ma dhulbaddeed wadanka Soomaaliya leeyahay baa?

4- Mise waa aaga ganacsiga ee gaarka ah (EEZ)?

5- Maxaa loogu daray qoraalka loogu yeeray Road Map?

6- Xagee isaga xiran yihiin heshiiskii la baabi'iyey ee is afgarad (MOU) iyo qorshahan cusub

7- Maxaa looga gol leeyahay xadayntan cusub, yaase faa'iidaya.

Intaynaan jawaabaha su'aalahan u galin aan is la eegno hadalka Wasiirka Badda. Wasiirka?//moryaanka Badda oo aan fahmin macnaha Territorial water inuu ku xiranyahay xoriyada wadanka
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG C/raxmaan Sh. Ibraahim Maxamed oo September 23, 2011 shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, kaddib markii uu safar ku tegey Seychelles, London iyo Kenya ayaa waxaa hadalladiisii ka mid ahaa:
"Sidaad la socotaan waxaa deadline (waqti go'an) loo qabtay in la xadeeyo xuduudaha badda, waxaana la soo kulmay khubaro ku shaqo leh xadaynta badda oo hore wasaaradda hawlo ula wadey oo hore loo bilaabay sidii aan ka yeeli lahayn, waxyaabo badan ayaan ka soo wada hadalay sidii wax looga qaban lahaa iyo sidii loo dhamaystiri lahaa hawshaas oo waqtigeedu xadidan yahay, waxyaabo badana meel ayaan isla soo dhignay." read   ..more



No comments:

Post a Comment