Saturday, October 8, 2011

Baarlamaanka Dowladda Federaalka oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii


"Waa in Soomaaliya ku dhaqantaa sharcigii Badda ee soo baxay 1988-dii..." - Goaanka baarlamaanka DFKMG Oct 8, 2011
Xildhibaanadda Baarlamaanka DFKMG oo si buuxda isugu raacay 6 qodob oo ku aaddan badda Soomaaliya.. Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob - waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto



Waxaa  maalmahan Xarunta Golaha Shacabka ka socdey Dood ku saabsan Badda Soomaaliya ka dib marki ay soo baxeen in Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka oo u ololeynaya in Badda Soomaaliya la xadeeyo, waxana Doodaan ka Hadley Xubno ka tirsan  Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kale waxaa iyana la horkeeney Wasiirka Kaluumeysiga iyo Khayraadka Badda Cabdiraxmaan Shiikh oo isagu sheegey in Wasaaradiisa aysan marnaba ku howlaneyn in Badda Soomaaliya la xadeeyo isagoo sheegey in uu soo dhaweynayao Go’aanka Baarlamaanka  ee ku wajahan badda Soomaaliya oo ah in aan Xad loo sameyn karin Badda Soomaaliya, sidoo kale waxaa iyana kulamada Baarlamaanka ka Hadley taliyaha Ciidamada Badda Admiral Faarax Qare oo sheegey in Badda Soomaaliya Duulaan lagu yahay islamarkaana Baarlamaanka uu ka qaato talaabo adag.
Dooddii maanta (Oct 8, 2011) oo aad u dheereeyd islamarkaana uu shir Gudoominayey Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey oo ah ku simaha Afhayeenka Baarlamaanka ayaa waxaa Soo Xaadirey ilaa 335 Xildhibaan, waxayna Xubnaha baarlamaanka ay ku mideysanaayeen in Badda  Soomaaliya aan laga hadlin marka la eego Xadeynta Badda Soomaaliya  oo la sheegey in hore loogula heshiiyey Dowlado iyo Shirkado Shisheeye  waxaana  qododbadii laga soo saarey Baarlamaanka ka hor akhriyey Xildhibaana Cumar Islow  taasoo lagu soo koobey ilaa lix Qodob oo Muhiiim u ah Badda Soomaaliya , waxayna kala yihiin:
1. In lagu Dhaqmo Sharciga Badda Soomaaliya ee soo baxay Sanadkii 1988-dii
2. In Hay’adaha Dastuuriga ee Kumeel gaarka ah ee dalka; sida Madaxtooyada, Baarlamanka iyo xukuumadda aysan awood u lahayn in ay wax ka bedelaan ama dib u eegis ama ka wada xaajood ku sameeyaan Xaduud badeedka Soomaaliya, iyo xuduudka hawada iyo dhulka Soomaaliya.
3. Waxaa la laalay ama la burburiyay dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii Caalamiga ahaa ee lala galay Hay’ado, Dowladaha Deriska ah iyo ururro Caalami ah iyo shakhsiyaad, islamarkaana ku saabsanaa dhanka xadeynta badaha oo la gaaray wixii ka dambeeyay 1da bishii Janaayo Sanadkii 1991kii.
4. Xadgudub kasta ama gabood fal kasta oo wax loogu dhimayo xuduudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya berriga, Badda iyo hawada sare ee Soomaaliya, waxaa loo aqoonsanayaa duullaan bareer ah oo lagu soo qaaday Maaxbannaanida iyo Siyaasadda iyo Midnimadda Ummadda Soomaaliya.
5. Xukuumad walba oo loo igmado howsha Dalka waxaa la farayaa in ay go’aankaan gaarsiiyaan dhamaman Dowladaha Deriska ah iyo Hay’adaha caalamiga ah.
6. Cid walba oo ku xadgudubta waxa ay galeysaa dambi ah Khiyaanno Qaran.
Waxaana guddoonka baarlamaanku sheegay in Soomaaliya ay tahay qaran madax bannaan oo xor ah iyo Soomaaliya midnimadeedu ay tahay lama taabtaan, oo aan dhulkeeda la kala qaybin karin.
Intaasi kadib ayaa waxa uu Guddoomiyaha fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-da qodob ee la soo jeediyay, waxaana ogolaatay 335 oo ah xubnihii xildhibaanada ee maanta soo xaadiray madasha fadhiga. Cid diidey ma jirto, Cid ka aamusteyna ma jirto.
Guddoonka Baarlamaanku wuxuu shaaca ka qaaday, maadaama sharcigaas si buuxda ay xildhibaanadu ugu codeeyeen in uu sidaas ku yahay xeer sidaas ugu dhaqan galay Soomaaliya oo lagu dhaqmayo (October 8, 2011).

Sidoo kale Cabdiweli Muudey ayaa ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya in ay si degdeg ah Baarlamanka u horkeento heshiisyadii ay la soo gashay Hay’adaha Caalmamiga ah iyo Dowladaha Caalamka qaarkood, wuxuuna kulankii Baarlamaanka ku soo Gabagaboobey sidii loogu talagaley iyadoo Dooda Badda ay socotey ilaa afar Maamlmood taasoo Xildhibaanada baarlamaanka ay ka dhiibteen Fikrado fara badan oo ay ku difaacayeen Badda Soomaaliya taasoo ay si aad u soo dhaweeyeen Shacabka Soomaaliyeed ...more

No comments:

Post a Comment