Thursday, October 27, 2011

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya..R/wasaare Cabdiwali Gaas maskax- isku dhex yaacaday! Maalin walbaana sheeko cusub shacbaka la hortaagan.

"Yaa Madaxweyne u ah DFKMG mar haddii uu meel mari waayey hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidanka Kenya ee ku soo duulay Soomaaliya...."

October 25 ayey ahayd markii Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif uu shir jaraa'id oo ku qabtay magaalada Muqdisho si qeexan u sheegay in aan xukuumaddiisu raali ka ahayn ciidanka Kenya ee iska soo galay dalka Soomaaliya, waxana uu yiri "Ciidamo in ay dalka iska soo galaan Dawladuna ma ogola, Shacabka Soomaaliyeedna ma ogola". Telefishanada Kenya ayaa ku soo celceliyey hadalkaas Sheikh Shariif , ayagoo sheegay in hadalkaasi wiiqayo ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya. (Hoos ka daawo NTV iyo CitizenTV).Laakiin hadalkaas waxaa mid aad uga duwan sheegay ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/weli Gaas, isagoo markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in ciidamo Kenya ay soo galeen Soomaaliya, isagoo sheegay in uu raali ka yahay, hadalkaas oo ka hor imanaya kii Sheikh Shariif ee uu ku diidanaa ciidamada. Waxana C/weli gaas uu sidaas qiray Oct 26, 2011, oo ah kow iyo toban maalmood kaddib markii ciidanka Kenya ku duuleen gudaha Soomaaliya ..more

No comments:

Post a Comment