Monday, April 9, 2012

Ugaas ciise ugaas cabdule ugaas beesha sade oo dhambaal Tacsi ah u diray shacabka Somaliyeed ,Tacsidaa oo ku wajahan geeri ku timid Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdullahi Beeldaaje Maxamed.

WAR SAXAAFADEED


TACSI



BEELDAAJE FAARAX BEELDAAJE XAAJI CABDULLAHI BEELDAAJE MAXAMED


INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN



Ugas ciise ugaas cabdulle ugaaska  beesha sade  ayaa  tacsi u diray shacabka  Somaliyeed ,Tacsidaaa oo ku wajahan geeri ku timid Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdullahi Beeldaaje Maxamed.   Ugaas ciise    “Ugu horreyn waxaan shacabka soomaaliyeed iyo gaar ah qoyskii iyo eheladii uga tacsiyeynayaa geeridii shalay fiidkii (Axad 08 April) ku timid Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdullahi Beeldaaje Maxamed oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Al Cayn ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).”




Ugaasku waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Somaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.   




(Ugas ciise ugaas cabdule)   ugaaska  i ayaa sheegay in Beeldaaje Faarax uu ahaa oday dhaqameed Soomaaliyeed oo waqtigiisa inta badan geliyey sidii beelaha Soomaaliyeed ay ugu wada noolaan lahaayeen nabad iyo barwaaqo. Beeldaaje Faarax waxuu ahaa shaqsi karti iyo hufnaan leh oo door hoggaamineed ka qaatay isu keenida, wadajirka iyo wada noolaashaha beelaha Soomaaliyeed.



-       DHAMMAAD -

Arlington, Virginia, United States 
Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle Ugaska bari ee beesha Sade Daarood Gobolka Galgaduud iyo deegaanka puntland

No comments:

Post a Comment