Sunday, November 4, 2012

Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Raysul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay dowlad ka kooban 10 wasiir.
Hoos ka akhri liiska magacyada wasiirrada cusub.
1- Marwo Fowsiya Yuusuf X. Aadan, waxaa loo magacaabay Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen /Wasiirka Arrimaha Dibadda
2- Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur, waxaa loo magacaabay Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta
3- Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga
4- Mudane Cabdikariim Xuseen Guuled, waxaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.
5- Mudane, Maxamuud xasan Suleymaan, waxaa loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda & Qorsheynta
6- Mudane Cabdullaahi Ciil-Mooge Xirsi, waxaa loo magacaabay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
7- Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaa loo magacaabay Wasiirka wasaaradda Kheyraadka Dalka
8- Mudane Muxyadiin Maxamed Kaalmooy, waxaa loo magacaabay Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud
9- Marwo/Drs Maryan Qaasim, waxaa loo magacaabay Wasiirka Horumarinta Adeegga Bulshada
10- Mudane Maxamuud Axmed Xasan, waxaa loo magacaabay Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha



xogasho

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya
Mudane Cabdi Xaaji Gobdon

No comments:

Post a Comment