Monday, November 19, 2012

Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta oo Manta Si Rasmi Ah Ula Wareegay Xilka

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane: Maxamuud Xasan Saleebaan ayaan maanta si rasmi ah ula wareegay xilka labada wasaaradood oo uu wasiirka ka yahay.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday wasaarada Qorshaynta oo ay ka soo qayb galeen shaqaalaha wasaaradda iyo marti sharaf kale ayaa si rasmi ah wasiirkii hore ugu wareejiye xilka wasiirka cusub.

Ugu horayntii wasiirkii hore ee qorshaynta Mudane: Cabdulaahi Goodax Bare ayaa yiri

“ Wasaarada qorshayntu waxay ahaan jirtay wasaarad balaaran oo ay ka shaqeeyaan in kabadan 300 oo shaqaale ah maanta waxaa ka shaqeeya 20 qof waxaana sabab u ah duruufaha dalka ka jira oo aysan suurto gal ahayn xiligii KMG lagu jiray in si habsami ah ay wasaaradu u shaqayso, waxaan hubaa in maanta wasiirka cusub uu tayada wasaarada kor u qaadi doono, waxaana xusid mudan in wasaaradu door muhiim ah ka soo qaadatay sidii dalka looga saari lahaa KMG iyadoona wax ka dajisay habkii uu ku shaqaynayey Road Map-ka”

Sidoo kale wasiirka Maaliyada iyo Qorshaynta ayaa ugu mahad celiyey wasiirka cusub sida niyad samida leh oo uu ugu wareejiyey xilka isagoona sheegay in uu ka shaqayn doono sidii loo hor marin lahaa wasaarada.

Wasiirka cusub ayaa ku soo wareegay dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay wasaarada isagoona tilmaamay in dayac tiri lagu samayn doono wasaaradii hore ee qorshaynta.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa ku soo noqday Villa Soomaaliya oo ay ku taalo wasaarada maaliyadda, wuxuun xilka kala wareegay wasiiru dowlihii hore ee wasaarada maaliyada Mudane: Sheekh Adan Madeer isagoona ka war bixiyey habka ay u shaqayso wasaarada wuxuuna sheegay in dalka aan laga samayn karin nabad galyo iyo dib-u-heshiisiin hadii aan qorshe dakhli aruurin ah oo balaaran loo dajin wasaarada maaliyadda, madaama dhaqaaluhu uu yahay midka fududayn kara in wax la qabto.



Ahmed H Farah (Terror Free Somalia)


Dhoodi222@gmail.com

No comments:

Post a Comment