Sunday, January 20, 2013

Buug Cusub: Xabbaddii Dunida gilgishey, Aaden-low iyo Dhacdadii Walwaal

Buug Cusub: Xabbaddii Dunida gilgishey, Aaden-low iyo Dhacdadii Walwaal


Waxaa qortay Shukri Aaden-low
______________

Wuxuu ku saabsan yahay dhacdo dhab ah (True story) oo dhacday 1934, galabtii magaalada Walwaal xabbadi ka qaraxday. Taas oo sabab u nqotay in Addis Ababa la qabsado, isla markaasna qaxootinimo markisay Boqor Xayle Salaase oo waddanka Ingiriiska (Great Britain) magangelyo u imaan doona.
Dagaalkii 2aad oo qarxaya iyo nin Soomaali ah oo Buuro-leyda Xuduuddada Talyaaniga iyo Yugoslavia ka dhex jabhadaynaya, kadibna ku dhaawacmaya, Ninkaaasi waa Aadan Shire Jaamac (Aadan-low).
Buuggu waa mid naxdin iyo caloolxumo, farxad iyo rayn-rayn isla xambaarsan. Dhacdadu waxay raad qoto dheer ku yeelanaysaa Soomaaliya, Geeska Afrika, Yurub iyo Qaramada Midoobay!
Xabbaddii Dunioda Gilgishey; Aaden-low iyo dhacdadii Walwaal dhowaan ayaa munaasbad weyn oo Daah-fur ah lagu soo bandhigi doonaa magaalada London.
Xabbaddii Dunida Gilgishey: Aaden-low iyo Dhacdadii Walwaal, waa mid ka mid ah kitaabada Soomalidu qortay kuwii ugu xiisaha badnaa.
Buuggaas waxaa laga heli kari doonaa meelaha kutubta Soomaalida lagu iibiyo, waxaana lagu soo dalban karaa Posto, iyadoo isla markaas lagu iibsan karo Online ah.
La xiriir:
Mobile 07506 142 884 ama 07939 393 645
Email: slow18@hotmail.co.uk

No comments:

Post a Comment