Sunday, December 30, 2012

Daawo”Sawirrada”Isusoobaxyo lagu weyneynayo dhalasha nabigeena Muxamed Nnkh oo lagu qabtay degmada Caabudwaaq



Isusoobaxyadan lagu soo dhawaynayo dhalashada Nabigeena Muxamed NNKH ayaa ka dhacay Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud
Waxaa soo agaasimay Maamulka Culimaa’udiinka Ahlusuna waxaana Dadka ka qayb galay oo Isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada ay gaarayeen Boqolaal dadwayne ah ayagoo Subaximadii hore ee saaka soo xaadiray garoonka kubada cakta ee Roobda’ay, waxaana la Xiray guud ahaan goobaha waxbarashada iyo ganacsiga intii uu socday Banaanbaxa.
Waxaa la arkayay gaadiidka raaxada oo socod ku maraya wadooyinka degmada iyo Dariiqoyinka Ahlusuna qaybahooda kala duwan oo qasiidooyin NABI amaan ah oo ay ku soo Dhawaynayaan xuska dhalashada Nabigeena Muxamed ka soo jeediyay goobta ay ku kulmeen Isu soo baxayaasha.
Dadka ka hadlay isu soobaxa lagu soo dhawaynayo xuska dhalashada Nabiga oo 12.ka bishan Mowliid lagu wado in la dhigo ixtifaalka Nabigeena suuban ayaa isugu jiray Culimaa’udiin, Odayaal, iyo Abwaano, kuwaasi oo ka hadlay sida ay muhiim u tahay in la wayneeyo maalintii Uu dhashay nabigeena Muxamamed waxaan ay umada soomaaliyeed ay ugu hambalyeeyeen in Ay mantaay fursad u helayaan Gobolo badan oo khawaarijta laga saaray kuwaasi oo aan horey awood ugu helin in ay dhigaan munaasabada dhalashada nabigeena Muxamad NNKH.
Guud ahaan gobolada dhexe inta ay ka arimiyaan Maamulka Culimaa’udiinka Ahlusuna waxaa Ka socda munaasabada lagu soo dhawaynayo dhalashada Nabigeena Muxamed isla markaana Waxaa si wayn usocda udayaar garowga ixtifaalka Nabigeena NNKH.












Photo by C/Kariim Axmed Bulxan from terror free somalia
Caabudwaaq

No comments:

Post a Comment