Wednesday, February 13, 2013

Halgame Maxamed Saalax Deer (Ladane) oo maanta ku geeriyoodey gobolka bari

Rabbi ha u naxariistee waxaa subaxnimadii saakey ku geeriyooday magaalada Bosaso ee Gobolka Bari Maxamed Saalax Deer (Ladane) oo ka mid ahaa halyeeyadii u soo halgamey xornimada Soomaaliya inta faro kutiriska ah ee ka harsaneyd.
Ladane Saalax Deer ayaa ku dhashey magaalada Kismaayo bilowgii dagaalkii kowaad ee dunida, inkasta oo Ladane aanu ka mid ahayd 13 dhalinyarada ahaa ee asaasey SYL, haddana waxaa lagu tilmaama in uu ahaa ragii ku xigey ee hawsha la qabtey isla maalmihii la asaasey. Waxaa Ladane loo soo direy Goboladii Gaari-waa la dhihi jirey in uu ka soo furo xafiisyada ururka kana hirgeliyo himilada SYL taas oo uu ku guuleystey, waxaana uu Xafiisyada ka furey Magaalooyinka Bosaso, Qardho, Qandala, Garowe, Iskushuban iyo qaar kale oo badan isaga oo Xisbiga wakiil uga ahaa.
Rabbi ha u naxariistee Ladane Saalax waxa uu sanadihii Kontomaadkii 1950s noqdey ganacsade, waxaana sidoo kale uu madax ka noqdey shirkad qaadan jirtey Faleenka ama Beeyada oo magaceeda nalookusheegay Eynab.
Doorashadii 1964 waxa Ladane isu sharaxay Baarlamaankii Soomaaliya isaga oo iska sharaxay magaalada Qandala ee Gobolka Bari, laakiin kuma guuleysan, waxa uu mar labaad isa sharaxay doorashadii 1969 ee Baarlamaankii Soomaaliya laakiin markaan waxa uu iska sharaxay magaalada Buula-berde ee Gobolka Hiiraan, waxaana uu ku guuleystay in uu ka mid noqdo Xildhibaanadii Baarlamaanka qisadaas oo ahayd mid cajiib lahayd, sida uu Horseed Media u sheegay Caaqil Maxamuud Siciid Aw-musse (Afdiinle) oo ka mid ahaa dadkii aqoonta u lahaa Marxuumka
Taariikhda Halgame Maxamed Saalax Deer ma ahan mid sadaro yar lagu soo koobi karo, waxaan rabbi uga baryeynaa haddii aan nahay bahda terror free Somalia janadii fardowsa ka waraabiyo, umadda Soomaliyeed oo dhana sami iyo iimaan ka siiyo.

Maamulka Gobolka Bari oo Gudi u magacaabay qaban qaabada Aaska qaran ee loo sameynayo Marxuum Ladane.

No comments:

Post a Comment