Friday, March 8, 2013

Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada ee ku sugnaa Qeybo ka mid ah Gobolka Gedo oo gaarey magaalada Kismaayo iyo Jabhadda Raaskaambooni oo imaanshaha ciidamadaas wal-wal xoog leh ka muujiyay (Xog culus)



Ciidamadan oo ku hubaysan gawaarida Dagaalka ee loo yaqaano Teknikada ayaa waxay labadii maalmood ee ugu dambeeyey ay ka kala tageen Deegaanada Faafaxdhuun, Ceelcade, Buusaar iyo Geriley oo mudooyinkii ugu dambeyey ay ku sugnaayeen. Ciidamadan oo ay horey u soo tababartey Dowlada Kenya iyo Ethiopia  ayaa Saaka aroortii waxay gaareen Magaalada Kismaayo, waxayna fariisimo ka sameysteen Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladaasi.
 
Ciidamadan oo Cadadkoodu uu badan yahay, kuna hubaysan noocyada kale gedisan ee Gawaarida dagaalka ayaa markii ay soo gaareen Kismaayo waxaa markiiba imaanshahooda ka biyo diiday Jabhadda Raaskambooni iyo hogaamiyahooda Axmed Madoobe oo bilaabay abaabul dagaal, iyagoona Dowlada Kenya u sheegay in Ciidamadani ay xariir la leeyihiin Alshabaab, si sharci daro ahna kusoo gaareen deegaanka, waxaana markiiba raaskambooni ay ciidamo soo dhoobeen hareeraha Garoonka.

Xog ogaal ku sugan Kismaayo ayaa Warbaahinta u sheegay in Dowlada Kenya oo dhamaan Ciidamadan horey tababar ugu sameysay dalkeeda mudo haatan laga joogo ilaa 2 sano ay ku gacan seyrtey eedeymaha Raskambooni iyo Axmed Madoobe, iyadoona sheegtay in ay Ciidamadaan dhamaan yihiin kuwo Soomaali ah oo gacan saar la leh Kenya, isla markaana ay u aragto kuwa ka qeyb qaadanaya Xoreynta Dalka.
Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada Kenya ee Gobolada Jubbooyinka oo la kulmay Ciiidamadaasi iyo saraakiisha hogaaminaysa aya sheegay hubka iyo Qalabka ay wataan Ciidamadan in ay yihiin kuwii ay horey u bixisey Dowlada Kenya, isagoona amar ku bixiyey in la dejiyo xiisada, isla markaana ay isku dhafi doonaan dhamaan Ciidamada Dowlada ee ku sugan Goblada Jubbooyinka, loona sameyn doono Nidaam ay ku wada shaqeeyaan, waxuuna ka digey abaabulo dagaal oo laga abuuro Kismaayo.
Hadalka kasoo baxay saraakiisha Dowlada Kenya ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey qeybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo iyo dowlada Soomaaliya.

Xaalada Magaalada Kismaayo oo barqanimadii maanta u muuqatey mid kacsan, isla markaana laga baqayey xiisado dagaal ayaa haatan u muuqata mid degan.

No comments:

Post a Comment