Saturday, April 6, 2013

Itoobiya iyo Kenya oo dadaal ugu jira sidii Xuduudka Badda Soomaaliya loogu soo koobi lahaa 12 mayl, iyo Dawladda Shiikh Xasan oo arrintaas u dhega nugul

xeerkii Badda Soomaaliya ee Law No. 37 oo dhigaya in xuduud baddeedka Soomaaliya yahay 200 mayl badeed oo ah TERRITORIAL WATERS.
Waxaa dhawaan magaalada Addis Ababa ee caasumadda Gumeysiga Itoobiya lagu qabtay kulan lagu gorfaynayey in Badda Soomaaliya xuduudkeeda lagu soo koobo 12 mayl.


Kulankaas Addis Abab oo la sheegay in ay soo qaban qaabilsay hay'adda Qarammada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya (ee loo soo gaabiyo UNPOS) iyo Midowga Yurub, waxaa ka qaybgalay Dawladda Federalka Somaaliya, maamullada Puntland, Somaliland, iyo Galmudug. (Xafiiska UN u qaabilsan Soomaaliya, Xilligii Axmed Walad Cabdalla waa laga dheregsan yahay in uu qayb ka ahaa muran gelintii badda Soomaaliya. Dhanka kale barwaaqa sooranka Yurub Commonwealth waa kuwii Kenya ka caawinayey sidii xuduuda badda loogu kordhin lahaa).

Waxaa arrin laga xishoodo ahayd in rag sheeganaya masuuiyiin Soomaaliyeed ee 12-14 Maarso 2013 lagu shiriyey Addis Ababa in laga hir gashado in ay yiraahdaan sidan:

  • "Waxaan u maleynaynaa in uu mugdi ka jiro sharciga Namberkiisa yahay 37, ee khuseeya arimaha Badda Soomaaliyeed ee soo baxay 1972 lana xiriira heshiiskii sharciga badaha caalamiga ah ee soo baxay 1982. Waxaana garwaaqsanahay in arintin si weyn caqabad ugu tahay habkii kaalmo balaaran iyo kor u qaadista xirfadaha Dadka Soomaaliya ee ka shaqeeya arimaha Badaha. Waxaan rajaynaynaa in caqabadahan laga gudbo waxaana waydiisaynaa Bulshada Caalamka sidii loogu gudbi lahaa arintan." Sidaas waxay ku qoran tahay warsaxaafadeedkii 14-kii Maarso 2013 ka soo baxay UNPOS. (Eeg UNPOS ama halkan).
  • Markale dhegeyso waraysiga Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi oo ka mid ah saraakiisha wasaaradda kalluumaysiga Puntland kana qaybgalay shirkaas wuxuuna 31-dii Maarso 2013 u waramay wariyaha BBC Axmed Maxamed Cali (DHEGEYSI - BBC).
  • Waxaa haboonaan lahayd in Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi oo ka mid ah saraakiisha wasaaradda kalluumaysiga Puntland oo hadalkaas 12 mayl ah yiri in la xusuusiyo: in 200 mayl oo Territorial waters ah marka dalku leeyahay in ay soo hoos geleyso labada boqol ee EEZ (waayo 200 territorial ah waxay kuu tahay sida dhulkaaga oo EEZ-na waa kuugu dhex jirtaa, cidi kulama leh). Marka adigoo labadiiba haysta maxaa kugu jirabay in aad aqbashid 12 mayl, mase ogtahay adduunka aad ka hadleysid in uusan wada aqbalin xeerka badaha ee aad cuskatay, qaarna leeyihiin xeer u gaar ah oo dastuurkooda ku qoran oo u dhigma kii Soomaaliya ee 1972 sida Peru.
Shacabka Soomaaliyeed waxay aad isu weydiiyeen, layaabna ah, sababta keentay in kulan sidaas u miisaan weyn oo lagu go'aaminayey mustaqbalka xuduuda badda Soomaaliya sababta loogu qabtay Addis Ababa oo xitaa aan bad lahayn, ahna dal cadow soo jireen ah u ah Soomaaliya, welina gumeysi ku haysta dhul baaxad weyn oo ay leedahay Soomaali.
  • FG: Dalka Itoobiya waxa uu ka mid yahay dalalka aan ilaa hadda dhaqan gelin xeerka badaha adduunka, sidee marka Soomaaliya oo bad leh, xeer badeedna leh, wax ugu yeerinayaan (hoos ka eeg dalalka aan ilaa hadda dhaqan gelin xeerka badaha**)

Waxaa kale oo jira warar tibaaxaya qorshaha in badda Soomaaliya xuduudeeda la soo koobo, oo Kenya wadato, in beryahan dambe uu markale qayb ka yahay Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, Ra'iisul Wasaarahii hore ee Dawladdii Kumeelgaarka ahayd, oo ayad xukumaddii bilwoday in taariikhda Soomaaliya markii ugu horeysey ay muran geliso badda Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis loogu yeeray is-faham la gashay Kenya - heshiiskaas oo ay ganafka ku dhufteen baarlamaankii Soomaaliyeed ee hore, oo ah kuwo taariikhdu xusi doonto.

Dhanka kale Dawladda Federaalka ayaa beryahan wadey siminaaro ay madaxda kala duwan ee dawladda kaga dhaadhicinayso in dhul-badeedka Soomaaliya yahay 12 mayl iyo in 200 miles ay tahay EEZ, si markaas loo garab mariyo 200 miles oo Territorial Waters ah.

Barnaamijyadaas xukuumadda waxaa ka mid ah barnaamij kharidado watay oo uu Corneyl Xasan Riiraash oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Soomaaliya dhawaan ka jeediyey Muqdisho goob ay ku dhammmaayeen wasiiro ay ka mid ahaayeen Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Wasiirka Gaadiidka badda iyo dekedaha, Wasiirka garsoorka, wasiiro ku xigeenno, xildhibaanadda Baarlmaanka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka badda Soomaaliya.

Col. Riiraash waxa hadalkiisii ka mid ahaa, mar uu sharaxayey xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya "Waan ogahay in sanadahan dambe muran ka taagan yahay xadka badda ee u dhaxeeya Dawladda Soomaaliya iyo Kenya waan ogahay, hase yeeshee wixii xaqiiqo ah haddaan si kooban halkan uga sheego, Xadka baddu wuxuu dhulka ka soo galaa tuulo yar oo loo yaqaan Daarasalaam, tuuladaas ayuu xadka baddu toos uga baxaa, isagoo xagal qumman oo 90 degree ah dhulka la samaynaya. Waxana uu hoosta ka maraa jasiiradaha dhagaxa ah ee loo yaqaanno Lamashaaqa."

Hadalkaas qayb ka mid ah ayaa markii hore intii maqshay u riyaaqday, maadaama uu xusay in xadku ku suntan yahay xagal 90 derejo ah oo ka bilaabanaysa xeebta, hoosna ka maraysa jasiiradaha Lamashaaqa.

Laakiin, Riiraash wuxuu dadkii madasha fadhiyey u hoos geliyey isagoo dhahaya sidan: "(12 mayl) oo loo yaqaan biyaha dalka waxaa lagu dabakhaa sharciga dalka Soomaaliyeed oo si buuxda loogu dabakhaa. Qaybta kale waa 200 mayl EEZ oo ah qaybta aan ku leenahay dhaqaalaha, ayuu hadalka ku xoojiyey Col Riiraash.

Ugu horayn shacabka Soomaaliyeed xilligan waaa ku baraarugsan yihiin in xeerka qaybta 12-ka mayl ee uu Riiraash ka hadlayo uusan ahan xeer Soomaaliyeed, dalalka qaarkoodna aysana ilaa hadda aqbalin xeerka badaha amaba dhaqan gelin.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalka xuduudda badoodu tahay 200 mayl badeed oo Terrirorial waters ah, arrintaas Soomaaliay keli kuma ah. Tan kale muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliyana taariikhda kuma jirin wixii ka horeeyey dawladdii Shariifka. Arrinta muranka ah waa dhulka NFD ee ka mqan Soomaalida. Haddaba Riiraash sidaas in uu madaxda jamaahirada ah ka dhaadhicin lahaa ayaa wanaagsanaan lahayd...more

No comments:

Post a Comment