Wednesday, April 3, 2013

Taleex in Northern Somalia sees its first Airport constructed by the local Khatuumo administration : Garoonka diyaaradaha Taleex oo dhismayaal lagu kordhinayo

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha-sheel)

Madaxweynaha maamulka Khaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha-sheel) ayaa dhagax-dhigay dhismayaal laga billaabayo garoonka degmada Taleex ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Dhismaha xarumaha cusub ayaa ka koobnaan doona labo hool oo waa-weyn, labo bakhaar, xafiisyo, masaajid iyo qeybo kale oo aasaasi u ah garoonka, sida uu warbaahinta u sheegay Eng. Rooble Ciise Degele.
Garoonka diyaaradaha ee Taleex oo diyaaraddii ugu horreysay ay ku degtay dabayaaqadii 2012 ayaan laheyn wax dhisme ah, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cumar Cali Caweer oo ka mid ah ganacsatada degmada Taleex.
Kharashka ku baxaya dhismayaasha cusub waxaa bixintiisa iska kaashanaya ganacsatada deegaanka iyo urur maxalli ah oo lagu magacaabo Daryeel Dalka.
Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in lacagta ay ku billaabayaan dhismaha ay aad u yar tahay, balse ay wadi doonaan dhismaha iyagoo la kaashanaya dadweynaha deegaannada Khaatumo iyo jaaliyadda dibedda.
Madaxweyne Indho-sheel ayaa u mahadceliyay ganacsatada iyo ururka isku xil qaamay dhisidda garoonka.

No comments:

Post a Comment