Saturday, May 11, 2013

Qaybsiga Ergooyinka Jubbaland oo Hordhac ah, inta badana lagu Heshiiyey

Waxaa wali Magaalada Kismaayo ka socda Qaybsiga Ergoyinka ka qayb galaya Doraashada Madaxweynaha Jubbaland State ayado Ergoyinka Gobolada qaarna lagu heshiyay halka qaar kale na uu muran ka tagan yahay. Waxaanu si hor udhac ah u soo qadanaynaa sida ay Ergoyinka u kala heleen Beelaha Daarood oo ayagu ah dadka ugu badan ee dagan Jubbaland marka dhinac kasta laga eego.

Markaan si hordhac ah aanu sharaxaad yar ka bixino guud ahaan ergoyinka u codeynaya Madaxweynaha Jubbaland wa 500 Ergo Shanboqol oo ergo waxaana 500 lo kala qaybiyay 3 gobol oo kala badsaday ergoyinka

Gobolka Jubbada Hoose waxaa uu helay 190 Ergo
Gobolka Gedo waxaa uu helay 180 Ergo
Gobolka Jubbada dhexe waxaa uu helay 130



Beesha Absame oo ayadu dagta Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe waxaay heleen 116 Ergo ama Cod waxaayna codadkaasi ka heleen 320 Cod oo soo dhexmaray guud ahaan Somalida wax ka dagta Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe.


Beesha Sade Waxay heleen 140 Ergo oo ay ka heshay 180 ki Ergo ee Gobolka Gedo la siiyay waxaana wali u dhimaan oo la isku mari la yahay Tirada Ergoyinki ay Beesha Sade ka helayso Gobolada Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe Waxana shalay ila iyo manta Magaalada Kismaayo ka socda Kulamo xal kama danbays ah loga gaarayo tirada rasmiga ah ee ay beesha sade ka helayso Gobolada Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe.

Beesha Harti waxaay heshay 23 Ergo waxaayna ka yimaden 320 ki ergo ee dhexmaray labada gobol ee jubbada hoose iyo Jubbada dhexe waxaa jira saluug ay beesha harti salugsantahay ergoyinka laga sidayay labada Gobol ee kala ah Jubada Hoose iyo Jubbada dhexe ,

(Jifooyinka kale ee Beesha Daarood dib ayaanu ka soo gudbin doona)

Hadi anu u weecano dhanka Xildhibanada Jubbaland iyo sida lo qayb sanayo ayaa waxaa ay yihiin sidan Golaha Barlamanka Jubbaland waxaa uu ka kobmaya 66 Xildhibaan waxaana lo qaybinaya 14 ka Dagmo ee Jubbaland sida ku cad Dastuurka Jubbaland Dagmo walba oo katirsan Gobolada Jubbada hoose jubada dhexe iyo Gedo waxaay helaysa 4 Xildhibaan.

Beesha Sade waxaay helaysaa 22 Xildhibaan oo 21 ka mid ah ay ka heshay Gedo halka 1 Xildhibaan ay ka heshay Jubbada hoose.

Beesha Absame waxaay helaysa 12 xildhibaan ka heshay Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe.

Beesha Harti waxaay 3 Xildhibaan ka helaysa Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe

(Jifooyinka kale ee Beesha Daarood dib ayaanu ka soo gudbin doona)

Dhawaan waxaanu idin soo gudbinaynaa sida Qabailada kale ee Goboladaan wax ka daga ay u qaybsadeen Ergoyinki ay helen.

FG :Xogtaani waa mid la hubo oo anu ka so xiganay Howlwadeno ku mashqulsan qaybinta Ergoyinkii doran lahaa Madaxweynaha Jubbaland.
 
RahmWarsame

terrorfreesomalia@gmail.com

No comments:

Post a Comment