Saturday, July 13, 2013

Press Release: Dawladda Soomaaliya umadda way ka dhaxeysaa, Beel gaar ah ma lahan.

 
 
Ujeeddo: Dawladdu umadda way ka dhaxaysaa, Beel gaar ah ma lahan!
 
Ururka aqoonyahanka Jubaland waxay markale ka digayaan khatarta dalku sii galayo maalinba maalinta ka danbaysa iyadoo maalinba maalinka ka dambaysa ay soo baxayaan qorshayaal ka dhan ah midnimada Soomaaliyeed oo ay kooxda yar ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kamid yahay ay talada maroorsanayaan.
Iyadoo Jubaland ay wali kasoo kabanayso dagaalkii ay dawladda Xasan soo abaabushay dad badanna ku dhinteen, qaarna ku dhaawacmeen ayaa haddana dawladda Xasan ay si toos ah u taageeraysaa Barre Hiiraale oo sheegey inuu kumilmay Alshabaab ayna Kismaayo duulaan kuwada yihiin. Kasakoow hadalada Barre Hiiraale uu ku sheegtay inuu yahay Alshabaab ma dhicin in masuul kamid ah dawladdu caddeeyo mawqifka dawladda iskana bari yeelaan Barre Hiiraale.
Dawladda Xasan ayaa caadaysatay inay si toos ah uga hortimaaddo maamul goboleedyada Beelaha qaar sida Puntland iyo Jubaland isagoo dhanka kalena taageero badan oo dhaqaale iyo mid maskaxeedba siinaya maamulada Galmudug, Ximan & Xeeb iyo Somaliland.
Golaha aqoonyahanka Jubbaland markuu darsay arimahan hoos ku qoran;
1- In magaalada Kismaayo laga reebo meelaha ay qaramada midoobay booqanayaan
2- In maamulka Somaliland loo ogolaanayo waxwalb oo ay dalbadaan iyadoo maamulka Puntland waxwalba laga xayirayo
3- Kadib markii hawada Soomaali oo dhan ka dhaxeysa lagu laaluushay Somaliland lana goaamiyay iin waxii kasoo baxa ay Xamar iyo Hargeysa si siman u kala qaataan
4- Kadib markii aan ogaanay in dawladdu ay waddo guluf colaadeed oo ku jeeda Kismaayo, ayna si toos ah ula shaqaynayaan Alshabaab si ay dib ugu qabsadaan Kismaayo
5- Kadib markii ciidamada AMISOM lakala xigsaday lana soo kala dhawaystay iyadoo AMISOM ay mid tahay
6- Kadib markii aan ogaanay in mashaariic aad ubadan oo dalku leeyahay kaliya loo qoondeeyey gobolada qaar meesha qaar badanna laga qadiyay
Ururka aqoonyahanka Jubaland kadib dabagal iyo fiirsasho dheer waxaa usoo baxday in xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay mid ay 98% ay ka shaqeeyaan masuuliyiin beeshiisa ah oo aragtidooda ku koobay sidii ay beelaha qaar ula dagaalami lahaayeen.
Haddaba anagoo ka duulayna arimahaas sare ku xusan waxaan soo jeedinaynaa arimahan
1- In guddoomiyaha Baarlamaanku uu difaaco dastuurka iyo daryeelka dalka iyo diinta oo uu dhaartay
2- in madaxweynuhu uu dib u eego shaqaalaha ku xeeran uuna xafiiska madaxweynaha ka dhigo mid ushaqeeya umadda oo dhan
3- in dawladdu iska fogeyso Barre Hiiraale oo hadda caddaystey inuu yahay Alshabaab caalamkana u sheegto mawqifkeed
4- In Puntland aan lagu riixin inay ku dhawaaqaan gooni isku taag
5- In madaxweynuhu raali galin ka dhiibo dadkii iyo hantidii ku luntay dagaalkii Kismaayo
6- In Jubaland si dagdag ah loo ictiraafo iyo in ciidamada AMISOM raali galin laga siiyo jaaifadii loo geystay cutubkooda ka hawlgala Kismaayo
Haddii ay arimahan kor ku xusan dawladdu il gaar ah ku eegi waydo waxaa halis ah midnimadii Soomaaliyeed waxaana hubaal ah inaan laga faaiidaynin dhibaatada ay madaxda dalku horseedayso. Waxaa soo badanaya rajo xumo laga qabo dawladdii loo hanweynaa ee lagu wayday inay dalka u dhaxayso, kana shaqayso caddaaladda. Balse talaabooyin badan oo muuqda iyo dhibaatada gobolka Banaadir ka taagan ma saamaxayso in dawlad lagu sii ahaado. Umadda Soomaaliyeed waa inay dareemaan in dalku dalkoodii yahay oo aysan ku fiirsan tala xumada muuqata. Guddoomiyaha Baarlamaanku waa inuu difaacaa dastuurka Federaalka ah ee Soomaali ku heshiisay waana in Badda iyo Hawada Soomaaliyeed aan laga galin gorgorton.
Talo adigaa ku Nool!
Ururuka Aqoonyahanka Jubaland
Email:hormuud232@gmail.coom
 or

No comments:

Post a Comment