Monday, January 27, 2014

DAAWO YAABKA:; Barnaamujka Dhibanaha Dahsoon Guri uu Xoog ku Haysto Madaxa Laanta Socdaalka Dawlada Soomaaliya Cabdilaahi Gaafow iyo Qoyska Uu Ka Haysto Oo.. +VIDEO

Taliyaha Laanta Socdaalka Soomaaliya Jen C/llaahi Gaafow ayaa lagu eedeeyay inuu xoog ku haysto Guri ay leedahay Gabar Soomaaliyed oo caruur u dhashay nin Talyaani ah oo diinta Muslimka haysta Sida lagu cadeeyay Muuqaalkan.
Sida lagu sheegay muuqaal ay soo duubtay gabadha Guriga iska leh Ifraax waxaa laga dheehan karaa murugo iyo calool xumo in qof sheeganaya mas’uul Soomaaliyed xoog ku haysto Guri dad soomaaliyed leeyihiin, isagoo Gaafow u adeegsaday awooda uu hadda ku leeyahay dowlada dhexdeeda ah.
Guriga uu xooga ku heysto Gaafow ayaa ku yaal kasoo horjeedka garoonka Muqdisho. Waxaana gurigaasi oo ahaa mid ku fadhiyey dhul weyn uu u kala jaray laba. Qeyb ayuu ka dhistay guri weyn oo ka kooban laba dabaq, halka qeybta kale oo uu ka muuqdo burburkii gurigii horey uga dhisnaan jiray uu ku wareejistay deyr ay ciidan u fadhiyaan.
Maxkamada gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’aamo ay ku cadeyneyso inay gurigaasi iska leedahay Ifrax  oo uu Gaafow ku wareejiyo balse waxaa taasi ka dhaga adeegay Gaafow oo maanta heysta awood dhaqaale iyo mid ciidan oo uu dowlada magaceeda ku helay.

No comments:

Post a Comment