Saturday, March 29, 2014

Hey'adda African Development oo deeq gaar-siisey qaar kamid ah xarumaha caafimaadka ee degmooyinka gobolka Gedo jubbaland state.

Deeq-dani ay hey’addu gaarsiisey Xarumaha sida bilaashka ah dadka loogu daaweeyo ee ku yaala degmooyin kamid ah gobolka Gedo ayaa waxay ahayd hal Container oo iskugu jira qalabka loo isticmaalo Isbitaalada iyo daawooyin, kuwaasoo ay soo dhiibeen qaar kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka iyadoo ay kaashanayaan Hey’adda ADEH oo xarunteedu tahay gobolka Washington.




Cismaan Diiriye Cigaal oo ah Guddoomiye ku xigeenka Hey’addaasi oo deeqda isagu waday ayaa sheegay ujeedka ay ka leeyihiin qalabkaan inay tahay sidii dadka dhibaataysan
ee awoodin inay qarash ku bixiyaan caafimaadkooda loo gar-gaari lahaa.


Wuxuu xusey mr Diiriye dhawaan inay soo wadaan sidoo kale qalab kale oo iskugu jira kuwa Caafimaadka iyo Schoollada oo uu xusay  baahi weyn u qabaan dadka degan gobolka Gedo. ,,jubbaland somalia


Madaxa Caafimaadka ee gobolkaasi Mudane Aaden Maxamuud Cali  oo qalabka kula wareegay degmada Beled-xaawo ayaa sheegay baahi wayn inay u qabaan dadka degan gobolka agabkaan caafimaad ee lagu wareejiyay isagoo uga mahad-celiyay dadkii isku xil saaray sidii deegaanka loosoo gaar-siin lahaa qalabka.


Aadan ayaa ku booriyey qurba-joogta kale ee Soomaaliyed  inay dhankooda ku dhiiradaan gar-gaar inay u fidiyaan dadkooda ku dhibaataysan gudaha dalka.


Sahro oo  ah madaxda Isbitalka guud ee degmada Beled-xaawo oo dhankeeda hadal ka jeedisay Munaasabadii ay kula wareegayeen agabka Caafimaadka ayaa uga mahad-celisey dadkii Soomaaliyeed oo iyagu ku dhiiraday inay shacabkooda gurmad Caafimaad u fidiyaan.


Goobta ay ka dhacaysay Munaasabada Wareejinta qalabka Caafimaadka ee loogu tala-galey degmooyin kamid ah gobolka Gedo ayaa waxaa ku sugnaa saraakiisha Caafimaadka ee degmooyinka,Garbahaareey, Luuq, Ceel-cadde, Dooloow, iyo Buur-dhuubo kuwaasoo dhammaantoda sheegay  inay soo gaareen qalabkii loo soo dhiibay.


Hey’adda African Development For Education And Health (ADEH) ayaa horay uga fulisay degmooyin dhawr ah oo ka tirsan dalka Soomaaliya mashaariic horumarineed, waxaana ay inta badan gacan-siisaa goobaha sida bilaashka ah loogu adeeggo dadwaynaha Soomaaliyeed.

ADEH ayaa la aasaasay sanadkii 2009 waxaana ku midoobay qaar kamid ah Qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, waxaana madax ka ah Abdiwelli Mohamed Suldan oo ah Xisaabiyaha guud ee qaranka Soomaaliya.


Waa markii ugu horreysay ee gurmad Caafimaad oo ka yimid dalka dibeddiisa la gaarsiiyo Isbitaalada ku yaala degmooyinka  gobolka Gedo jubbaland state somalia, waxaana ay ka codsadeen shacabka gobolkaasi ku dhaqan in gacan laga siiyo sidii ay u heli lahaayeen gurmad Caafimaad iyo mid waxbarasho,iyadoo deegaano badan oo ku yaala gobolka Gedo ay ka jiraan xaalado dhinaca nolosha ah.
                                      

No comments:

Post a Comment