Thursday, February 25, 2016

Xogta dhabta ah ee beesha sade ku heeysato ,jubbaland


War Saxaafadeed.  -02/25/2016

Ugaska Beesha Sade uu Jubbaland

Salaamo caleeykum dhamaan cuqaasha odeyaasha iyo wax garadka beesha sade, waxaan idin ka warbixinaa xaalad murugeeysan,. iyo inaa idiin soo bandhiga xogat rasmiga ah ee jubbaland  anigoo oo baaq u soo jeedinay dhamaan shacaba beesha sade gudaha iyo dibada ,  kuwa ..hada kusugan kismaayo,oo aan matalis shacabka sade ee jubbaland .


kismaayo 

nolosheeyda wax badan ka badashey joogitaanka magaalada iyo xaalada siyaasadeed ee ka jiro maamulka jubaland.intaa ka bacdi waxaan rabaa talo inaan ka bixiyo  inta ilaaheey igu og yahay oo qiyaamaha leey suaalayo.qofkasto oo beesha ka mid ah ayagana talo ka bixiyaan.ayadoo aan ku jirin iska horkeenin,hadaleeyga waxaan ku bilaabi oo beesha sade meesha wada fadhido in marka hore tanazul la isku sameeyo oo wixii  na dhexyaalay inaan laga wada hadlin hada.oo la wajaho caqabadaha ka waaweyn ee na horyaalo kaaso ah waxaa waayahaan danbe magac noogu baxay in beesha sade eey dawlidnimo iyo maamul eeyn dooneeyn.waa arin muruga leh oo shacabka aan walaalah nahay ee naga aamin baxeeyn.oo jubaland la dhismi weeydey.hadaba si taas aan ugu hortagno waa inaan tusnaa jubaland inaan nahay dad isku duuban oo xaqooda iyo sharaftooda donaya ineey kala xisaab tamaan.marka hadii la doonayo in aayaha beesha sade la raadiyo waa in aan gudi iska dhexdoorana oo qabiir ku ah wada xaajodka arimahaan ; garyaqaano.dhaqaalyahan.beecmusthar iyo mamul dawaladed .iyo saraakiil ku taqasusay ciidanka.hadaan u soo noqdo xuquuqda naga maqan inta ilaa maanta aan ogahay waa qodobadaan oo aan ka muuqan ama aan wax ka helin.sababta ma aha in xaqeeni la duudsiyey ee anaga oo beesha sade ayaa xaqeenii is duudinay eeda anagaa iska leh
 
1;arimaha gudaha iyo amniga oo eey hoos yimadaan maamulka gobolada iyo degmoyinka
Laamah amniga sida wardoonka iyo boliiska,oo labadooda eey naga heeysato xaalado guracan oo aad kuu taabanayo.waxaa beesha sado boliiska kagah jira 2% ama boqolkiiba 2
Hadaan u soo noqono sirdoonka ama PS hadba waxa loogu yeero u maleeyn maayo hal askari inaan ku leenahay
 
2; milateriga hadii aan ka hadalno waa ka sii xuntahay ma jiro gaariyada ciidanka jubaland iyo qoryaha waaweyn askari beesha sade lagu aamino karo.waxaa tusaale ah abunduulihi ciidanka in uu taliyihiisa ku yiri oo marqaati aan ka ahay gaari laguma siinaayo oo kuguma aamino karo.uu abanduulihi dhowr jeer u dacwoodey madaxweeynaha ilaa iyo haatan waxba lagama qaban.waa ayaandarada iyo meesha aan is dhignay oo ilaa maanta aad is heesataan anaa kaa laandheersan iyo waxba tihid inta aan isku heeyno

3; wasaarada cadaalada oo eey hoos yimaadaan maxkamadah.sidaad ogtihiin laba maxkamadood ayaa jira oo ah maxkamada gobolka iyo maxkamada racfaanka.maxkamadaha waa meesha eey cadalada laga raadsado.maxkamada gobolka.gudomiyaha waa absame garsoorayaasha beesha sade ma leh.hal kaliye ayeey beesha sade ku leedahay
Maxkamada racfaanka waxaa gudomiye ah absame. Hal garsoore ayaa sade ku leeyahay inta kale waa absame
Xeer ilaalinta gobolka  waxba kuma lihin.walaalyaal hadii beesha sade oo baaxadaa leh eey laamihii cadaalada ka maqan yihiin sidee shacabkii sade ku helaayaan
 

6;wasaaradaha qeeyraadka jubaland waxaan jirto in haayadaha aan kor ku soo xusney eey bixiyaan qalab lagu shaqeeysto waxaa ka mid ahaa ilaa 40 doonyood iyo qalabkooda la qeeybiyey.hal iskaashato beesha sado leedahay ka heshay.40 qaboojiye oo FAO eey keentay oo ku shaqeeynayo qoraxda iyo 10 aboojiye baraf dhaliyo ah .waxaan ilaaheey magaciisa ugu dhaaran in eey beesha sade ka helin.wixii tafaatiran gudi ayaan u gudbin doona

7; ganacsigii hadii aan u soo leexano wixii qandraasyo ahaa labadii sano aan joogey waxaan ogahay ilaa hada 5.6million $ in la bixiyey.hal qandraas beeha sade ma helin.waxaa ka sii daran qandaraaskii cidii heshay waxeey u baahan yihiin shaqaal aad u tiro badan ugu yaraan wuxuu socon laba bilood hal qof beesha sade kama helin xataa dhagax jibiye
Arinta kale oo ka sii xun guryihii beesha sade ku lahaayeen xafada guulwade oo aad u qurux badan cid ijaaraneeyso oo haayada ah ma jiraan iyo shaqsiyaadka diaspora ah xataa lagama kireeysto,sababto ah waxaa la dhahaa amaan ma leh xaafadaa.hadaba beesha sade ee ku nool magaalada kismaayo sideey nolol maalmeedkooda ku helaayaan hadii qandraas uu heleeyn.hadii uu shaqo ka heleeyn qoladii qandraaska dhismaha heshay.hadii gaarigii laga kireeysaneeyn.hadii gurigii laga kireeysaneeyn.walaalayal idinkoo raadineeyn jeeb buuxsi iyo xil ha laguu magacaabo oo eeyn wax ku tareeyn sababtoo ah duudsi ayaa qaadatey una qaadey aayatiinka beeshaada ilaaheey ha laga baqo oo arintaan aan anaga isbadney oo aan qof kale eedeeysaneeyn ha laga baxo

8;wasaarada shaqada.waxaa jirto in world bank uu bixiyey shaqaaleeyn 500 ruux oo hada miiska taalo.waxaa jiro gudiga shaqaaleeynta inta tiro eey ka kooban yihiin ma aqaano laakiin waxaan ogahay in uun jirin shaqsi beesha sade ka tirsan.iyo gudigga qaxootiga jubaland oo ayagana aan ku jirin shaqsi beesha sade ah.

9.beec mushtarkii oo eey koox la magic baxdey JCCI oo madax u yahay shaafi raabi,in wixii wax keensanayo oo ka qaado qidmo oo aan ku jirin canshuurta juballand,iyo ayadoo haayadah deeqa bixiyaasha eey sharuud ku tahay in qofkii wax ka qabasanayo eey ayaga la soo maro,anigu waxaan ku fasiro ma hayo arinkaan ee waxaan arkaa in wax kasto laguugu sameeynayo oo lagugu bahdilo

Waxaan hadalkeeyga ku soo gunaanadaa in maanta beesha sade eey mareeyso xaalad guracan.hadii
intiinaan maanta meesha fadhido ka danqan weeysaan xaaladaas aan kuligeeyn taaganahay.oo bilaabno is qabqabsi iyo fara ku taag.iyo in lookala dhuunto maamulka jiro oo nagu fiirsanaayo kana faaiideesanayo kala qeeybsanaanta beesha sade inaan magaca sade uu noqon doon taarikh.hadaan maanta walaahi fursadaan meel uga soo jeesan weeyno oo aan iska dhex qaban weeyn keena duliga ah iyo kan dagaal oog ah oo la xisaabtami weeyno beesha aan walaalah nahay.

Qaylo dhaan-
Ugaska Beesha Sade ee jubbaland

No comments:

Post a Comment