Friday, March 4, 2016

Bahdalada uu Warlord Ahmed madoobe ku hayo beesha sade,qudbad ku sheega uu warbaahinta kula hadlay

Nuxurkii qudbadii Axmed Madoobe ee furitaankii shirkii Shalay:

1. In dhibaatada jubbooyinka ka jirta ay tahay Mareexaan dhexdiisa, shirkana ayaga loo qabtay.

2. In waxyaabaha Dhul la dhacay iyo dad la laayay ay tahay wax khuseeya guryihii dawladda oo la idinka saarayay oo taas aad diidan yihiin.

3. In xitaa haddaad Ku heshiisaan inaadan Ku qancayn kursigayga wax aan ahayn, aan idin banaynayo. Halkaas aduunkuu u sheegayaa in Mareexaan Ku qancayo kursigiisa kaliya.

4. In jubbooyinka wax beelo is khilaafsan aysan jirin. Wuxuu meeshaas ka saaray khilaaf Absame iyo Sade.

5. In Waxa dhibka Wada yihiin siyaasiyiin doonaya inay danahooda Ku gaaraan. Wuxuu u tusayaa in mucaarad uusan jirin.

6. In dawladaha deriska iyo Sade dhib ka dhexeeyo. Uuna Diyaar u yahay inuu ka caawiyo Mareexaan inay dawladahaas la heshiiyaan.

7. In Mareexaan uusan ka hadlin jagooyin baa naga maqan maadaama beelo kale waxooda aan la idiinka qaadayn.

No comments:

Post a Comment