Thursday, April 28, 2011

Dowladda China oo balan qaaday inay ka taageeri doonto dowladda FKMG ee Soomaaliya dhinaca dibudhiska

 China and Somalia Conference
update on China willing to play constructive role in peace process in Somalia: FM TFG Ignores The West And Looks East For Aid And Friendship.
Dowladda Shiinaha (China) ayaa balan qaaday in Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay ka taageeri doonaan dhanka Dib-u-dhiska dhinacyada kala duwan ee dalku uga baahan yahay wuxuuna balanqaadkani ka dambeeyey kulan dhex maray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka hana Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda China Mudane  Yang Jiechi.
Kulan gaar ah oo dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Mr. Oomaar oo uu wehliyo Ku-simaha Safiirka Soomaaliya ee China Cawaale Cali Kullane iyo saraakiil kale oo la socotay iyo weliba Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Diplomaasiyiin Chinesse ah waxaana kulankan lagu jeex jeexay qaabka ugu haboon ee dib boorka looga jafi karo xiriirkii Dowladdaha China iyo Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda China  Yang Jiechi oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in Dowladda China ay mar kasta taageereyso nabad iyo kala dambeyntii oo ku soo noqota guud ahaan dalka Soomaaliya wuxuuna dhanka kale balan qaaday in dowladdiisu ay qeyb weyn ka qaadan doonto dib u dhiska dalka Soomaaliya “Beesha Caalamku waa inay awoodooda isugu geeyaan sidii loo heli lahaa Amni, kala dambeyn iyo dib u dhis sidii loogu heli lahaa Soomaaliya” ayuu yiri Mr.  Yang.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo isna ka hadlaymunaasabadan gaarka aheyd ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta iyo balanqaadyadadowladda China ay sameysay isagoo tibaaxay in Dowladda Federaalka KMG ah ay aaminsan tahay in China ay dowrk muhiim ah kaga jirto dib u dhiska iyo nabad soo celinta dalka Soomaaliya isagoo si gaar ahna ugu mahadceliyay kaalmadooda dhaqaale ee ay ku bixiyaan howlgalka Nabad illaalinta ee AMISOM.
Download   Aden Abdi Goobe  Terror Free Somalia

No comments:

Post a Comment