Monday, April 18, 2011

Mogadishu basketball squad Off to Nairobi for Inter-City tournament


A farewell party for Mogadishu’s women basketball squad, who are to participate in the  Inter-City basketball competition in Nairobi, was held in Mogadishu.
The occasion which was organized by the Banadir administration was attended by the Prime Minister of the TFG, Mohamed Abdullahi Farmajo. Sermons and words of advice were given to the girls in order to motivate them.

The Prime Minister said he is happy about the girls participating in the competition while representing Mogadishu city. He urged the girls to work hard to win the trophy.
The assistant minister of finance of the Somali government, Sheikh Shuute wished the ladies good luck, adding that they are going to receive the necessary assistance from his ministry.
The girls will participate in the Inter-city championship, which will start today. The five-day tournament will see seven cities battle it out. The team is under the tutelage of Fatima Aweys Mudey, a prominent figure in the Somali basketball history.

Xaflad sagootin ah oo galabta xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu sameeyey  Gabdhaha Kubadda Koleyga ee Muqdisho  City
April 17, 2011-------Xaflad sagootin ah ayaa galabta loogu sameeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Gabdhaha Kubadda Koleyga (Bassket ball)  ee Muqdisho City kuwaasoo maalinta berri ah la filayo inay ka ambabaxaan magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo ay uga qeyb galayaan tartanka Intercity Cup (Caasimaddaha) oo 19.04.2011 halkaasi ka furmi doona.

Munaasabadan sagootinta ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir iyadoo ay goob joog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Muqtaar Sh. Shuute Sh. Cali Maye, guddoomiye kuxigeenka maamulka gobolka C/kaafi Hilowle, Guddoomiyaha Oleympicada gobolka Banaadir Mr. C/xakiin waxaana halkaasi loogu jeediyay Gabdhaha K/Koleyga ee Muqdisho City dardaaran iyo dhiirigelin.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Muqtaar Sh. Shuute oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko gabdho sedan isugu xiran oo ka qeybgalaya kulan wadamada Afrika ay ku tartamayaan Kubadda Koleyga wuxuuna u rajeeyey inay ka soo hooyaan guul, isagoo kula dardaarmay inay tafaraaruqa iska illaaliyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi oo isna la hadlay Gabdhaha K/koleyga ayaa u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Gabdho Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay ka qeybgalaan Kulan ay ku tartamayaan Caasimaddaha ayna matalaan Caasimadeena Muqdisho wuxuuna kula dardaarmay inay dedaal dheeri ah muujiyaan si ay u hantaan Koobka.

Gabdhaha K/koleyga ee Muqdisho City ayaa waxaa tababare u ah gabadha lagu magacaabo Faadumo Aweys Muudey oo ah gabar caan ku ah ciyaarta K/koleyga  waxaana tababare kuxigeen u ah Carfoon Weheliye, halka Mulki Nuur Muudey oo loo yaqaano (Mulki Jeenyo) ay ka mid tahay ciyaartoyda kooxda oo iyaduna ka mid aheyd xidigihii kooxdii K/koleyga ee Naadigii Jeenyo.

Ugu dambeyntiina Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Muqtaar Shuute ayaa u balan qaaday in Wasaaradu ay ka caawin doonto kooxda dhanka Tashiilaadka si loo kobciyo Mooralka gabdhaha K/koleyga ee Muqdisho City, waxaana sidoo kale taageero dhaqaale u fidiya kooxdan Maamulka Gobolka Banaadir.

--
Garad Salad Hersi Press Officer office of the Prime Minister,

No comments:

Post a Comment