Sunday, April 3, 2011

Odayaasha dhaqanka Soomaaliye​ed oo maanta ka hor yimid shirka Niarobi, taageerayn​a go’aankii dowladda (SAWIRO)


Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xaruntooda magaalada Muqdisho odayaasha dhaqanka ee beelaha Soomaaliyeed ayay kaga hadleen marxaladda kala guurka ah ee dalku marayo, shirka lagu wado inuu ka dhoco magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyo muddo kororsiga Dowladda ee halka sano aheyd.
Bayaankan oo uu saxaafada u aqriyay Maxamed Xasan Xaad ayaa ka koobnaa saddex qodob iyagoo ugu horeyntii dowladda Federaalka uga mahadceliyay aqbalaadii ay odayaasha dhaqanka ka aqbaleen in aysan ka qeyb gelin shirka Nairobi ee ay qaban qaabisay Q/midoobay kaasoo loogu magac daray shirka wadatashiga Soomaalida laguna casuumay maamul goboleedyada magac ahaan hoostaga DFKMG iyo urur horay ula midoobay Dowladda Federaalka isla markaana xubno muhiim ah ku leh xukuumada iyo qeybaha kale ee dowladda.
Sidoo kale, bayaanka ayay odayaashu ku taageereen muddadii halka sano aheyd ee ay xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay go’aamisay in loogu daro dhamaan hay’addaha Dastuuriga ah ee dowladda, si loo dhameystiro howlaha qabyada ah ee ka haray mudada kala guurka ah.
“Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaa in dadka Soomaaliyeed ay ku taageeraan danahooda balse aysan u aqrin waxa ay iyagu soo abaabuleen oo ay ka leeyihiin dano gaar ah” ayuu yiri Nabadoon Xaad oo xusay in xalka Soomaaliya uusan ku jirin shir dibaddaha lagu qabto balse loo baahan yahay shir kasta oo la qabanayo in lagu qabto dalka gudihiisa go’aan ka gaaristiisana loo madaxbaneeyo Soomaalida.
Axmed Diiriye Cali oo isna ka hadlay goobta ayaa eedeyn u jeediyay wakiilka gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augostine Mahiga oo uu sheegay inuu uga baxay balan ay ku soo wada galeen isaga iyo odayaasha dhaqanka dalka Jabuuti taasoo aheyd in shir kasta oo looga hadlayo danaha Soomaaliya inuu ka dhoco dalka gudihiisa isla markaana ay qeyb ka noqdaan dadka hogaamiyeyaasha u ah ummadda Soomaaliyeed.
Dhanka kale, odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed waxay shacabka ugu baaqeen inay ka soo qeybgalaan isu soo baxyo ballaaran oo ka dhici doona gobolada dalka iyo caasimadda Muqdisho kuwaasoo lagu muujinayo diidamada shirka Nairobi.
Maxamed Xuseen Ugaas
Ugaasyare114@gmail.com
"Ahla Sunna is distrusted because it gets military support from Ethiopia" , so do Puntland, Somaliland, & Galmudug

No comments:

Post a Comment