Tuesday, April 19, 2011

Warsaxaafa​deed shrika golaha Wasiirada April 19.2011

                                    Warsaxaafadeed
(Muqdisho – Talaado, 19 April 2011)-----Shir ay maanta Golaha Wasiiradu yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Mohamed ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii shacabka soomaaliyeed ay isagu tashan lahaayeen iyo marxaladda kala guurka ah.
Golahu markey qiimeeyeen marxaladda dalka, horumarka laga sameeyey dhinacyo badan iyo sida loogu heelanyahay in shacabka looga saaro marxaladdan adag ayuu golahu isku raacay arrimahan hoos ku qoran:
1.      In loo baahanyahay in shacabka soomaaliyeed ay isku tashadaan, isla markaana ay ka wada qeybqaataan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha dalka ka jira, si loo soo celiyo amnigii, kala danbeyntii iyo noloshii shacabka.
2.      Golahu waxey aad iyo aad ugu mahadcelinayaan Somalida qurbo-joogta ah oo labaatankii sano ee la soo dhaafay kaalin mug leh ka qaatay horumarka dhaqaalaha, ha noqoto biilka joogtada ah ee ay bil walba soo diraan ama kaalinta ay ku leeyihiin ganacsiga dalka oo runtii wax weyn ka taray xaaladda dalka.
3.      In dhammaan shacabka soomaaliyeed kuwooda jooga dalka gudihiisa iyo qurbojoogtaba inay ka wada qeybqaataan horumarka dalka oo ay si joogta ah taageero dhaqaale (qaaraan) ugu soo diraan Dowladdooda si loo gaaro heer uu dalku isku tashto.
4.      Guddiga heer wasiir ee dhaqaale ururinta Dowladda ayaa dhowaan soo bandhigi doona habka iyo nidaamka ugu habboon ee shaqsi walba oo soomaali ah uu uga qeybqaadan karo horumarka iyo dib-u-dhiska dalka. Waxaana jiri doona mashaariic kala duwan oo shaqsi walba u kala dooran karo inuu taageero mashruuca uu sida gaarka ah u daneynayo, ha noqoto amniga, waxbarashada, caafimaadka ama gar-gaarka bani’aadanimo iwm.
5.      Golahu waxey isku raaceen in guddiga maamulaya dhaqaalaha uu u maamuli doono si cad-cad oo keeni kara kalsoonida shacabka, isla markaana si joogta ah loo soo bandhigi doono dakhliga iyo sida loo isticmaalay.                                    
- DHAMAAD-
--
Garad Salad Hersi Press Officer office of the Prime Mogadishu, Somalia 

No comments:

Post a Comment