Thursday, June 2, 2011

jaraa'id ee Xukuumada June 02.2011.

Warsaxaafadeed
Afhayeenka Xukuumada ahna lataliyaha R.wasaaraha Eng. C.raxmaan Cumar Cismaan Yarisow


Muqdisho, Khamiis, 02 June 2011 – Shir ay maantagolaha wasiirada yeesheen oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha SomaliaMudane Mohamed Abdullahi Mohamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo fara badanoo ay ka mid ahaayeen arrimaha amniga, Sharciga Hay’adaha Maaliyadda,tariifooyinka canshuuraha, Sharciga Bankiga Dhexe iyo magacaabid Agaasime Guud.


Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Difaacaiyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta amniga iyohowlgaladda Ciidamada Qaranka ay wadaan. Golahu waxey u mahadceliyeen ciidamadaqaranka iyo guulaha isdaba jooga ah sida guushii maanta oo ay ciidamada kulawareegeen Hoyga saraakiisha Ciidanka (Shirkolo Officiale) iyo goobo kale.


Golaha Wasiirada waxey go’aamiyeen in dhamaangaadiidka iyo ciidamada mas’uuliyiinta dowladda ilaaliya la wada diiwaangeliyo,isla markaana aan la oggolaan doonin gaadiid aan laheyn taargo iyo hub aansharciyeysneyn.


Wasiirka iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyaddaayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta tariifooyin cusub oo lagu canshuuridoono badeecadaha soo gala dalka oo ay isku soo duba-rideen Hay’adaha kushaqada leh. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey tariifooyinkan cusub oo dhowaandhaqangelintooda la billaabi doono. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay marka ladhaqan geliyo tariifooyinkan cusub ay si mug leh kor ugu qaadi doonaan dakhligadowladda, kaasoo sahli doona in bulshada loogu adeego.


Golaha wasiirada waxey warbixin dheer kadhageysteen Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Mudane Abdullahi Haji Jama Ali oo golahau sharaxay hindise sharciyeed cusub oo noqon doona Sharciga Bankiga Dhexe eeSomalia. Sharcigan ayaa ah mid ay soo diyaariyeen khubaro ku xeel dheerarrimaha bankiga. Sharcigan ayaa ah mid casriyeysan oo la jaanqaadi kara marxaladdahadda lagu jiro, isla markaana la waafajiyey Shareecada Islaamka. Dood dheer kadib, Golaha Wasiirada waxey ansixiyeen hindise Sharciyeedkan oo ah SharcigaBankiga Dhexe ee Somalia, isla markaana la horgeen doono Baarlamaanka si ay uansixiyaan dhaqangelidiisa.


Ugu danbeyntii Wasiirka Wasaarada Dekedaha GaadiidkaBadda, Cirka iyo Dhulka ayaa golaha u soo gudbiyey shaqsigii ay u soo xuleeninuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiradawaxey go’aamiyeen in Mudane Mohamed Osman Ali (Dhagaxtuur) loo magacaabayAgaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekedaha.

Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia


                                                                                 -DHAMAAD -

No comments:

Post a Comment