Thursday, June 9, 2011

War-saxaaf​adeed Tacsi Qaran Ugaas Cumar Ugaas Hirsi Ugaas Maxamed

War-saxaafadeed
 Tacsi Qaran
 Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun,
 Muqdisho, Khamiis, 09 June 2011: Dowladda Federalka KMG ah ee Somalia waxey tacsinaxdin iyo tiiraanyo leh u direysaa dhammaan shacabka soomaaliyeed, eheladiiiyo reerkii uu ka geeriyooday Ugas Cumar Ugas Hirsi Ugas Maxamed oo maanta kugeeriyooday magaalada Nairobi oo uu in muddo ahba ku jirey isbitaal. 
Geeridu waa xaq, qof walbana waqtigiisa EEBBE baa qoray. Sidaas daraaddeed,waxaan dhammaan reerkii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumka u direynaatacsi qaran in Ugas Cumar uu EEBBE janadii ka waraabiyo, dowladda, dhammaanshacabka soomaaliyeed, iyo gaar ahaan reerkii iyo eheladii uu ka geeriyoodaynasamir iyo iimaan uu EEBBE naga wada siiyo. AAMIIN.
Ugas Cumar waxuu ifka uga tagey 33 will iyo 21 gabdhood oo uu dhalay.Inta uu dhalay iyo inta ay sii dhaleen waxey kor u dhaafayaan 95.

Ugas Cumar Ugas Hirsi waxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo muujiyey hoggaandhab ah, isla markaana lahaa karti iyo waayo aragnimo, oo uu waqtigiisa intabadan ku bixiyey maslaxad, dib-u-heshiisiin iyo sulux uu dhex dhigo ummaddaSoomaaliyeed. Ugas Cumar waxuu ka tagey taariikh wanaagsan oo u baahan in lasii joogteeyo.
Ugu danbeyntii, waxaan ka codsaneynaa dhammaan shacabka soomaaliyeedinay u soo wada duceeyaan Ugas Cumar inuu EEBBE ka waraabiyo Janadii fardowsa,annagana uusan EEBBE na fidneynin gadaashiis. AAMIIN.

-      DHAMAAD -


--
Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

No comments:

Post a Comment