Tuesday, October 11, 2011

Golaha Wasiiradu waxey go’aamiyeen in arrimaha badda sida EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada sida Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada iyo Roadmapka


update from Baarlamaanka Dowladda Federaalka oo Gebi ahaanba Baabi’iyey Heshiisyadii Badda ee Hore loo galey laga soo bilaabo 1-dii Janaayo 1991 dii iyo

widespread reports country's territorial waters has been given to offshore oil Drilling and illegal fishing Fish European and Asian Companies . Somali MPs to debate over size of Somali territorial waters.Former Minister of Fisheries and Marine Resources, Mohamed Moalim Hassan has announced in an interview with the VOA Somali broadcast that Somalia’s designated Sea border will be 12 nautical miles

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Cabdiweli M.C. Gaas su'aashi aan waydiiyay, ayaa ku jawaabay “…"Haddii Aynu 200nm Sheeganno, Baddeennu waxay gelaysaa Jidda, Sucuudi Arabia" Ra'iisul Wasaaraha DFKMG. Admiral Faarax Cumar Axmed "Xuduuda Badda Soomaaliyeed ma ahan 12nm ee waa 200nm"

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, Qaraxii 4ta October,Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP) iyo arrimaha badda.


Golaha Wasiirada waxey maanta warbixin ka dhageysteen Ra’iisul Wasiiraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ee safarkii shaqo ee uu ku tagey Qaramada Midoobey, Mareykanka, Canada, Denmark iyo Ethiopia. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in safarkan uu ahaa mid guul iyo isafgarad ku soo dhamaaday oo caalamku ay aad ugu qanacsanaayeen horumarka dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, xiriirka Dowladda Federalka iyo Maamulada dalka ka jira, dib-u-heshiisiinta iyo maamul wanaaga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in caalamku ay aad ugu soo gurmadeen arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo, hase yeeshee uu caalamka kala soo hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa oo ummadda soomaaliyeed loo soo gaarsiin lahaa mashaariic horumarineed oo soo celiya adeegyadii bulshada iyo nolol maalmeedkii shacabka soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in loo baahanyahay in Roadmap kii 6da September ay Soomaalidu saxiixdeen la dhaqangeliyo.

Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP), dood dheer ka dib waxaa la go’aamiyey in qabyo qoraalka lagu soo sameeyo saxitaan iyadoo la tixgalinayo macluumaadkii iyo fikradihii goobta laga soo jeediyey, isla markaana la soo ururiyo fikradaha Saraakiisha Soomaaliyeed, ka dibna wadatashi loogu gudbiyo ka soo qeybgalayaashii shirkii wadatashiga ahaa. Qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgeyada (NSSP) ayaa lagu soo celin doonaa golaha wasiirada si ay u ansixiyaan ka dibna loogu gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliyeed. Wasiirka Kalluumeysiga, Qeyraadka Badda iyo Bey’ada iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta arrimaha Badda. Dood dheer ka dib golaha Wasiiradu waxey go’aamiyeen in arrimaha badda sida EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada sida Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada iyo Roadmapka.


Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ay kula xiriirayaan eheladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay, si warbixin dhameystiran ay ugu soo gudbiyaan golaha wasiirada, sheegayna in Dowladda Turkiga ayaa qaaday 36 ka mid ah dhaawacii. Wasiirku waxuu sheegay inay arrimahooda u marayaan heer wanaagsan una mahadceliyey shacabka soomaaliyeed oo si wanaagsan ula shaqeeyey. Golaha Wasiiradu waxey kaloo go’aamiyeen in 8dii wasaaradood ay dib u howlgalaan loona saaray guddi ka soo talo bixiya 3 maalmood gudahood, iyagoo sheegay inaysan Al-Shabaab marnaba laga aqbaleynin inay hakad geliyaan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.

- DHAMAAD

No comments:

Post a Comment