Sunday, May 13, 2012

Speed up your selection process, PM tells elders meeting in Mogadishu

Elders attending the constituent assembly in Mogadishu were told to speed up the selection process of delegates who are to endorse the draft constitution.Addressing the elders, Prime Minister Abdiweli Mohamed Ali urged the elder to speed up their selection process as the expiry of the deadline for such selection looms.He said the set time for the selection of the delegates to adopt the constitution has already elapsed and there is a need to be fast.He urged the elders to selected individuals who will place the interest of the country first rather than their individual interests, saying that the selected individuals must be nationalists.Ali also noted the need to include diaspora community members, businessmen, youths and the 30 percent women inclusion of all aspects of the process starting with constitutional delegates.
 
                                                   Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo kormeeray maanta halka uu shirka uga soconayo Odoyaasha Dhaqanka,Codsina u jeediyay.

Muqdisho, May, 05, 2012---- Ra’iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta booqday goobta uu shirka uga soconayo Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaa oo looga fadhiyo iney soo xulaan gudigii ansixin lahaa Dastuurka dalka iyo Barlamaanka uu yeelan doono Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare, Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in shirkaani uu yahay kii ugu muhiimsanaa ee Soomaaliya la isugu yimaado mudo 20 sano kadib.

“Shirkaani waa kii aan kaga godbi laheyn mar xaladihii aan soo marney 20-kii sano ee la soo dhaafay waa mid taariikh u ah Ummadda Soomaaliyeed”.

Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in  September, 6-dii ay aheyd markii ugu horeysay ee Shir lagu qabto gudaha wadanka Soomaaliya kaa oo ay ka soo qeyb galaan dhinacyada Soomaalida oo idil basle ay jireen shirar badan oo gudaha dalka lagu qabtay laakiin aan wax sidaa u badan ka soo bixin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Odayaasha Dhaqanka sharaxaad ka siiyay machana Roadmap-ka islmarkaana uu sheegay in ay tahay inaan ka tageeno colaad, Kumeel Gaarnimo  oo aan u guureyno dowladd rasmi ah iyo Cadaalad.

Sidoo kale, Wuxuu tilamaamay in Dib-u- heshiisiinda ay  saldhigg u yihiin Odayaasha Dhaqanka islamarkaana Dib-u-heshiisiinta iyo dowladnimadu waxaa laga ma maarmaan u ah in waqti loo huro, waxaan rabnaa Dastuur soo celiyo dowladnimadii iyo Qarannimadii Soomaaliyeed lana badiyo la tashiyada si loo saxo waxa khaldan.

“Sida aad la socotaan Dastuurkii 1960-kii waa ansixiyay Ergo 110 qof aheyd”.

Wuxuu sidoo kale xusay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in ay dowladdnimadu ku xiran tahay sida ay Odoyaasha Dhaqanka u soo culaan Baarlamaanka dambe oo ay Soomaaliya yeelan doonto islamarkaana ay 30% yihiin haweenka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ka codsaday iney soo dedejiyaan xuliska Ergada si waqtiga loo dhowro islamarkaana uu sheegay Odayaasha Dhaqanka in Ergada aad soo xuli doontaan waxa uu saameynayaa mustaqbalka dalka balse waxaa la idin ka rajeynayaa inaad soo xushaan dad u qalma mustaqbalka dalka.

- DHAMAAD -

No comments:

Post a Comment