Wednesday, May 30, 2012

Guddiga Doorashada Oo Shaaciyey Inuu Prof: Bashiir Nuur Xasan Looyaan Uu Ka Mid Yahay Musharixiinta U Taagan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya Ee Sanadkan. Dr: Bashir Nuur hassan Looyaan PHD (Somali President Candidate 2012)

                                                     DR : Bashiir Nuur Hassan Looyaan  PHD

Musharaxiinta u tartarmi doonto xilka madaxweynimada Jamhuuriyada Soomaliya ee bisha August 2012 oo dhowaan la iclaamiyay ayaa waxaa ka mid ahaan doona Dr.Bashiir Nuur Xasan Looyaan oo ka soo jeeda gobollada koofurta dalka Soomaliya, gaar ahaanna gobollada jubbooyinka iyo Gedo sida laga soo xiganayo guddiga doorashada ee Musharaxa Dr.Looyaan oo la filayo in dhowaan si toos ah musharaxnimadiisa ugu dhawaaqi doono.

Musharax Dr.Bashiir Nuur-Bidaar ayaa asxaabtii iyo dadka si fiican u yaqaanaba ay ku sifiyeen nin dulqaad badan oo bulshay ah, oo deggan, asluub bada lagu yaqaano, kana samata bixin kara dhibaatada dadlka Soomaliya ku soo habsatay.
Isaga oo u bareeyey kuna dhiiraday in dalkiisa iyo dalkiisaba gudaha Soomaliya dhibka intaas ku soo jiray inuu la qeybsado, samabixinta shacabka uu doorweyn ka qaato. Mashruuco kale geddisan oo horumarineed ka qeybqaatay oo laga fuliyey degaano ka tirsan wadanka Soomaliya.

Musharaxa Dr.Looyaan ayaa ah nin dhalinayaro ah oo waxbarshadiisu ay ka kooban tahay dhinaca beeraha iyo maareynta iyo maamulka tiknologiyada casriga ah ayaa heysta ilaa iyo afar shaahdo ama degrees (Bachelor of Science-Beeraha, Master of Science-Beeraha, PhD-Beeraha iyo weliba isagoo heysta Second Master of Science oo cilmiga maareynta mashruucyada iyo tiknooliyada oo dhamaatood ka wado qaatay wadanka Mareykanka.

Dr.Looyaan oo hayay muddo dheer oo in ka badan 17 sano shaqooyin professional oo isugu jira kuwa kuwo heer calaami oo ay ka mid yihiin Kampaniyada loo yaqaano fortune 100 ka tirsan oo uu ka soo shaqeeey oo kana soo qabtay xilal Calaami iyo isagoo masuul ka ahaa maaamulka iyo maareynta iyo diyaarinta qorshosanadeedka (Budget) iyo maamulka shaqaalaha fulinaya oo ka kale socday wadamo gaaraya ilaa iyo 27 wadan oo kale geddisan.
Xilalka uu soo qabtay Musharaxa Dr.Looyaan wadamada uu ka hirgeliyay ayaa ku yaalla qaaradaha Asiyaa, gaar ahaanna dalalka Japan, Singpore, Koofurta Kuuriya, Thailand iyo wadamo badan oo ku yaallo Yurub, Australia, Koofurta Amerika and Waqooyiga Amerika. Mashruucyadaasi oo kale ahaa communications, distribution, finance, industrial, and public sector ayaa contractyadaasi ay u dhexeeyeen $100M ilaa iyo $2B Mareykanka.

Dr. Looyaan ayaa markii uu qaatay shahaadada PhD beeraha sanadkii 1995 sidoo kale ka soo shaqeeyey wadamada ku yaalla Galbeedka Afrika:The Gambia iyo Sierra Leone oo uu ahaa 'Agricultural Advisor" ama la la taliye dhinaca beeraha wasaaradaha beeraha ee labadaasi wadan oo ay maalgelinaysay hayadda project 2000 & UNDP.

Insha allah, taariiq nololeedkiisaba iyo qorshahiisa siyaasadeed ama political platform "For the future of our country and the future of our children. "For those in misery perhaps better things will follow". Insha Allah, xilliga doorashada ka hor ayaa idiin soo gudbin doona Insha Allah.
bashiir_nuur_bidaar

Terror Free Somalia Foundation We fully endorse  Dr. Bashir Nur Hasan Loyan   PHD" To be  next  President of Somalia ( Somalia Presidential elections  in August 20th.)
Abdirahman Warsame 
Terror Free Somalia
TThis e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

No comments:

Post a Comment